Hargaysa 11.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta ka qayb galay Kulan ay soo qaban qaabisay Jaamacada Hargaysa kaas oo dhalinyarada lagaga Wacyigalinayay Khataraha Tahriibta .
Kulankan Waxaa lagu soo bandhigay Daraasad ay soo diyaarisay Jaamacadu isla markaana lagaga hadlayo heerka uu gaadhsiisan yahay Tahriibku iyo Siyaabaha ugu haboon ee Wax looga qaban karo,Waxaanu Kulankaas ka qayb galay ardayda wax ka barata Jaamacada Hargaysa,Maamulka Jaamacada iyo Xildhibaano ka Socday Golayaasha Qaranka .
Gudoomiyaha Jaamacada Hargaysa Prof Cabdi Gaas iyo Hormoodka Kuliyada Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacada Hargaysa Prof Aadan Xaaji Cali ayaa si faah faahsan uga Waramay aafada Tahriibta oo Saamayn Xoogan ku yeelatay Bulshada Somaliland,Waxaanay soo jeediyeen in loo baahan yahay in Goobaha Xuduudaha aynu la wadaagno Wadanka Itoobiya la dhigo Ciidamo loo Xilsaaro inay soo qabqabtaan dhalinyarada rabta inay galaan Tahriibta ee isaga Gudbaya labada wadan, waxaa kale oo ay Sheegeen in baahi weyn loo qabo Sidii loo Cidhib tiri lahaa Kooxo Shuraako ku ah Tahriibinta dhalinyarada oo dalka gudihiisa ku sugan.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Raygal oo Kulankaas ka hadlay ayaa Tilmaamay in dadka tahriibaya ay Yihiin dad Shaqo ku haysta dalkooda,Waxaa kale oo uu Wasiirku Xusay in Waalidiinta looga baahan yahay inaanay Ubadkooda ku dhiirigalin aafada Tahriibta oo galaafata Nolosha da’a yar badan oo dalka u soo kacaysay.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha C.samad Maxamed Maal ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ilaa Shan iyo Afartan Qof iyo Shan iyo Toban Xubnood oo Mukhalasiin ama Dilaalin ah .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirTahriib.mp3″]
Hargaysa SDN.
