Saylac 07.June (SDN) Masuuliyiinta kastamka saylac maayorka degmada saylac iyo isuduwaha hay’ada dhawrista tayada agabka qaranka ee gobolka salal ayaa siwada jira u gubay 2 Tan oo daawo dhacday ah .
Daawadan dhacday oo ka timi dalka jabuuti ayaa lagu qabtay kastamka cashuuraadka ee degmada saylac waxaana iska kaashaday masuuliyiinta kastamka iyo isuduwaha hay’ada dhawrita tayada agabka qaranka.
Kadib qabashada daawadan ayaa waxaa laga wargeliyay maamulka degmada saylac waxaana la isla gartay in daawadaasi dhacday lagubo waxaana daawadaasi lagu gubay goob ka baxasan magaalada oo loo asteeyay in lagu maareeyo waxyaaba aanloo baahnayn sida daawooyinka dhacay daroogada iyo wixii la halmaala.
Daawadan dhacday ayaa waxaa si gaara usoo dejiyay ganacsade reer somaliland ah oo isagu gubistii daawadan dhacday goob joog u ahaa waxaanu masuulkani sheegay inuu ku qancay in la gubo daawadan ka dib markii uu ogaaday inay tayadeedu dhacday,
Isu duwaha hay’ada dhawrista tayada agabka oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celayay maamulka kastamka saylac waxaanu ganacsatada kula dardaarmay inay ka waantoobaan waxyaabaha dhacay ee ay soo dejinayaan.
Masuulkii daawada dhacday ee la gubay lahaa oo goobtii lagu gubay daawadan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku qancay in la gubo daawadan maadaama ay hay’dani xaqiijisya in ay dhacaday daawadani.
Gubista daawadan dhacday Waxaa ka qayb galay maayorka degmada saylac xuseen iidle barkhadle waxaanu sheegay in ay maamulkoodu la dagaalayaan wax alaala wixii caafimaadka umada waxyeelaya kuna dadaalayaan sidii loo daryeelilahaa adeegyada caafimaadka bulshada saylac.
Arinkan ayaa qayb ka ah dardar gelinta hay’ada tayada agabka qaranka oo iyadu dhawaan dib u furtay xafiiskeedii gobolka salal,Waa markii u horaysay ee daawo cadadkeedu intan le ‘egyahay lagu gubo magaalada saylac .
Saylac SDN.
Qurbejoog.com
