|

Kulmiye Oo Qaaday Dhabbihii Xisbigii Udub Ku Jabay, Bilaabayna Munaasibado Waraabe U Taag Ah Oo Loo Qabanayo Ashkhaas Hore Uga Mid Ahaa Iyo Masuuliyiin Dawladeed DAAWO

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa sas iyo Jahawareer ka qaaday Munaasibadaha isdaba joogga ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ku qaabilayo taageerayaasha cusub eek u soo biiraya Xisbigaasi,waxaanay shalay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Munaasibad ugu qabteen Xildhibaano hore ugu soo biiray Xisbiga KULMIYE oo Ururadii doorashada lagaga adkaaya ka mid ahaa,waxaanay Arintaasi dood culus ka abuurtay guud ahaan Gobolka Gabiley oo dadka ku dhaqani aad ula yaabeen munaasibad Mudanayaashaasi loo qabtay.
afar-xildhibaan-oo-hore-uga-tirsanaa-kana-hadhay-ururadii-dhacayMunaasibad loo qabtay illaa lix Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Gabiley oo ay ku jiraan Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Gabiley ayaa shalay lagu qabtay Gabiley waxaana Munaasibadaasi goobjoog ka ahaa oo lagu macsuumay qaarka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye. Waxa ka mid ahaa Wasiiradda Munaasibadaasi joogay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shacayb Maxamed Muuse,Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Maxamed Daahir Ibraahim,Agaasimayaal,Madaxda Gobolka Dawlada u joogta iyo Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye ka tirsan, sida Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin kuwaasi oo la sheegay inay halkaasi u tageen soo dhaweynta Xildhibaano hore uga tirsanaa Xisbiga balse dhoolatus ahaan Munaasibadaasi loo fahmay.Waxa sidoo kale mudooyinkii u dambeeyay Gobolka Gabiley dhex wareegaysay oo taageero Kulmiye uga raadinaysay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo aad uga cabsi qabta inay ku jirto isku shaandhaynta miiska saaran.
Xisbiga KULMIYE ayaa hadda u muuqda inuu Qaaday Jidkii iyo Xaaladii uu Xisbigii UDUB ku sugnaa Wakhtigan oo kale, waxaanu hadda adeegsanayaa Masuuliyiinta dawlada ku sugan ama ka hawlgala Gobolada Dalka si ay ugu abaabulaaan Taageerayaal macmal ah oo waraabe u taag ah oo ay bulshada ku tusiyaan inuu Wali Xisbiga Kulmiye haysto Taageerada Umada Somaliland,balse Xaqiiqada dhabta ahi ka duwan tahay taasi, waxa hadda ka muuqata Munaasibada lagu qabtay Gabiley inaanay waaqiciga ka turjumayn islamarkaana ay muujinayso Awood darada Xisbi xaakimkii ku habsatay ee uu hadda ugu faraxsan yahay Shan illaa lix ruux oo xilal haya oo hore uga tirsanaa oo ku soo biiray.
Bulshada Somaliland ayaa sugaysa,Islamarkaana ay hal xidhaale ku tahay Qorshaha uu Xisbiga Kulmiye ololaha ku gali doono ee ka iibin doono Umadda sugaysa,maadaama oo uu Bahwadaag layahay Xukuumadda hadda talada haysa,islamarkaana ay saamayn ku yeelanayaan Dhaliilaha loo jeedinayaa.

Comments are closed