
Hargaysa 05 ,June,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Muacaardka ah ee Ucid,Eng: Faysal Cali Waraabe,ayaa Maanta Dalka Dib ugu soo laabtay Ka dib Safar dheer oo uu in Mudo ahba ugu Maqnaa Wadada Caalamka.
Waxaana ku soo dhaweeyay Gagida Dayuuradaha ee Caalamiga ee Cigaal Madax sare oo ka tirsan Xisbigiisa iyo Madaxda Xisbiga Wadddani oo uu Horkacayo Gudoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Cirro.
Gudoomiye Faysal Oo Warbaahinta Kula hadlay Qolka Nasashadda ee VIP-ga Madaarka ayaa ka warbixiyay Safarkiisii wadamadda Dibada uu ugu maqnaa,Waxaana uu sheegay in isku jireen qaar Diblumaasiyeedd iyo qaar kala qeyb qaadashadda Jaaliyadaha Somaliland ee Wadamadda Caalmaka Xuskii Maalinta Qaran ee 18 May
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYAHA UCID
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GudoomiyeFaysal05.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa
