Ceerigaabo 03.June (SDN) Munaasibad lagu maamuusayay dhamaystirka colaad mudo 20 sano ah ka dhex oognayd laba beelood oo wada dega buuralayda calmadow ee degmada badhan ayaa maata lagu qabtay xarunta dawlada Hoose ee degmada ceerigaabo
Munaasibadan oo ay soo qaban qaabisay haayada FCA FINLAND ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta maamulka degmada ceerigaabo saraakiil ka socotay haayada FCA culima’udiin haween iyo labadii beelood ee colaadu ka dhexaysay.
Ugu horaynbana waxa halkaasi ka hadlay madaxa mashaariicda haayada FCA FINLAND Jamac Maxamud Abdulahi oo faahfaahin ka bixiyay qaabka iyo habka ay umareen dhamaystirka colaadan mudada dheer ka dhex aloosnayd labada beelood ee walaalaha ah.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno tira badan oo ku hadlayay afka beelaha heeshiyay oo dhamaantoodba shaaca ka qaaday in labada beeloodba isla qaateen heshiis buuxa oo biya kama dhibcaan ah ayna maanta gacmaha is haystaan dadkii wax laga laayay iyo kuwii wax dilayba waxanay ummada muslimiinta ah ka dalbadeen in wixii hanti lakala xukumay aanay awooda ynin isla markaana laga kalmeeyo.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno isgu jiray xildhibaanada golaha degaanka culmi’udiin iyo aqoon yahano oo dhamaantoodba ku nuux nuuxsaday ahmiyada nabada iyo sida loogu baahan yahay in heshiiskan taariikhiga ah ay ku daydaan beelaha kale ee Aanadu ka dhaxayso
Gaba gabadii munaasibadaasina waxa ka hadlay maayarka degmada ceerigaabo ismaaciil xajji nuur oo ku tilmaamay heshiiskani mid ku dayasho mudan.
Heshiiskan laba beelood ay maanta ku gaadheen magaalada ceerigaabo ayaa waxa uu noqonayaa mid taariikhi ah oo soo afjari doona colaadi iyo cabsidii mudada dheer beelahaasi dhex taalay iyadoona dhamaystirka colaadani ay dhexda u xidhatay haayada FCA FINLAND oo kaashanaysa culimaa’udiinka gobolka.
Ceerigaabo SDN.
Qurbejoog.com
