|

Liiska xubnaha Golaha Guurtida JSL iyo saami qaybsiga beelaha ee 82-ka kursi,Kalsoonida loo hayo Guuritu waxay ku xidhantahay siday ka yeelaan mudo kordhinta taagan

London April 29,2015(SDN/QJ)-Waxaa lagu soo doortaa xubinnimada guurtida hab-doorasho dadban oo xulasho ah, 82-ka  xubnood ee Golaha Guurtidu ka kooban yahay, in kasta oo xulasho dadban lagu soo doortay mudo hore waxaa hada ka sii nool xubnihii xulashadaa lagu soo doortay 11 xubnood oo keliya halka ay 71 xubnood ee kale ay ku yimaadeen dhaxaltooyo ku buuxin ah. taas oo gaar badani ay riban lahaayeen hadii halbeega xulashada lagu cabiri lahaa ama dhudhun guurtiyeed lagu dhererin lahaa.hadaba su’aasha maanta taagani waxay tahay guurtidan dhaxaltooyada u badani ma dhaawici kartaa sumcada JSL iyo geedi socodkii hanaankii dimuqraadiyada Somaliland oo mudo kale oo aan loo fadhiyin ma kordhin karaan iyada oo aaney maanta jirin duruufihii dastuurku cadeeyey in mudo lagu kordhin karo? waa Su’aal jawaabteedu u taalo shacabweynaha reer Somaliland. ??????

Hadii ay guurtidan dhaxalka ahi ay sameyso mudo kordhin ka baxsan waqtigii ay komishanka iyo xisbiyada qaranku ku heshiiyeen in ay doorashadu ku qabsoonto oo ah 1/6/2016 dhaawac iyo dhiig bax intee leeg ayaa soo gaadhaya hanaankii doorashooyinka isbarkan ee JSL ee la inagu majeeran jiray? Waa Su’aal labaad oo iyana jawaabteeda loo fadhiyi doona hadii ay Guurtidu waqtiga doorashada bedesho! ???????

Talow waqtigaa ay gudida doorashooyinku qabteen ma ku sargoyn doonaan mudo kordhinta uu Gudoomiye Saleebaan isu xad-xaydaayo ee uu fool eryaayo? waxaa wax garadka JSL ay isku raaceen in aritani noqon doonto Kalsoonidii ugu danbeysay ee ay shacabka JSL  siin doonaan Guurtida hadii ay Guurtidu sameyso mudo kordhin ka duwan tii ay shacabweynaha reer Somaliland ay ka filanayeen oo ah in ay ansixiyaan uun waqtigii lagu wada heshiiyey oo ah in ay doorashadu qabsoonto 1/6/2016. Waxaan illaahay uga baryayaa in liiskan hoose ee Golaha Guurtida  intii dhimatay uu ilaahay u naxariisto, intii dhaxashayna uu ilaahay xaqa ummadda waafajiyo.Amiin=Amiin.

Beesha Bariga Burco (Harbar Jeclo), oo ku leh 14 kursi, waxa ay xildhibaanada beeshaasi magacyadodu kala yihiin:

1  Gudomiyaha golaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan
2. Cawil Xuseen Axmed
3. Maxamed Jaamac Abokor
4. Axmed Dirir Cali
5. Ismaaciil Cabdi Ducaale
6. C/raxmaan Cismaax Xasan
7. Maxamed Maxamuud Diiriye
8. Maxamed Ducaale Qurux
9. Cawil Cismaan Dawiil
10. Siciid Shire Xuseen
11. Axmed Xuseen Sahal
12. Caydid Maxamed Cabdi
13. Aadan Shire Xuseen
14. Sahal Iidle

Beesha Habar-Awal, kuraasta ay ku leedahay golahaasi guurtida

1. Muxumed Aw Axmed Xaaji
2. Aadan Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdi
3. Sh Khaliif Xasan Xasan Gudaal
4. Sh C/raxmaan Maxamed Muuse
5. Xaashi Cabdi Mooge Kharaj
6. C/raxaan Sh Yuusuf Sh Madar
7. Xasan Axmed Faarax Boobe
8. Axmed Jaamac Carab
9. Saleebaan Garas Seed.

Beesha Garxajis, ayaa saamiga kuraastoodu yahay uu yahay:

1.  X Cabdi Xuseen (C/waraace)
2. Maxamuud C/llaahi Qaalib
3. Dheeg Maxamuud Yasiin
4. Faadumo Jaamac Raage
5. Axmed Muuse Obsiiye
6. Cumar Nuur Waaye
7. Ibraahin Aw Nuur Jiciir
8. Maxamed Nuur Cigaal
9. C/llaahi Ibraahin Dhugad
10. Farxaan Ciise Ubaxle 11.Siciid C/llaahi Yasir.

Beesha Balligubadle oo leh 6 Kursi.

1.C/qaadir Aw Xuseen Mire
2. C/casiis Gaaxnuug Boosh-cade
3. C/raxmaan Qawdhan
4. Khadar Ismaaciil Qardhab
5. Jaamac Faarax (Jaamac Riyo)
6. C/raxmaan Quulle.

Beesha Ayuub waxay ku leedahay 3 kursi

1. Gudoomiye ku xigeenka guurtida Sh Axmed Sh Nuux Furre – Alleh how naxariisto -waa la dhaxlay
2. X C/raxmaan Cismaan Jaamac
3. Cali Aadan Qaliinle.

Beesha Toljecle 2 kursi

1. Haybe
2. Cabdi Maxamed Woqooyi

Beesha Sool iyo Buuhoodle

1. Cawil C/llaahi Caydiid
2. Axmed Xasan Saalax
3. Xirsi 4. Maxamed Weli Warsame
5. C/qaadir Maxamed Indho
6. Xasan Cumar Axmed 7 Cumar Faarax Budeeye
8. Muuse Ciise Xamari
9. C/Rashiid C/llaahi Fakar
10. Cismaan C/llahi Maja-qariye
11. C/raxmaan Cabdi Faarax.

Beesha bariga Sanaag oo leh 7 kursi

1.Gudoomiye ku xigeenka labaad Siciid Jaamac Cali
2. Siciid Cali Nuux
3. Maxamed Nuur Shir-tag
4. Faysal Axmed Ismaaciil
5. C/llaahi Maxmed Huruuse
6. C/salaan Maxamed Siciid
7. Maxmed Xuseen Huruuse.

Beesha Awdal oo ku leh 10. kursi

1. Maxamuud Xareed Rooble
2. C/raxmaan Axmed Aareeye
3. Daahir Cali Jaamac Goodad
4. Saalax Madar Xoosh
5. Diini C/llaahi Hindi
6. C/wahaab Sh Cali Jawhar
7. Nuur Rayaale Khayre
8. Ibraahin Ciise Buux
9. Yuusuf Axmed Ugaas.
10.Suldan guray Nuur   Alleh how naxariisto.

Beesha gobolka Saylac oo iyadu ku leh saamiga kuraasta 4 kursi

1. Sh Maxamuud Xirsi Faarax
2. Axmed Daahir Jirde
3. Maxamed Nuur Sugaal
4. Axmed Maydhane Shibiin

Beelaha laga tirada badan yahay ayaa iyaguna ku leh aqalka guurtida, oo saami ahaan min hal kursi looga qoondeeyay

Beesha Aabo Yoonis

1. C/llaahi Sh. Xasan Cismaan

Beesha Gahayle.

1. Axmed Nuur Aw Cali

1. Yuusuf C/llaahi Cawaale

Beelaha Gabooye

1. Jirde Siciid Axmed

Beesha Akisho

1. Sheekh Cumar Furre

===Dhamaad======

Alleh ayaa Mahad leh

Wa-Laahum-Aclam-Waa bilaahi Tow-fiiq

Wehelkiin Waa -Alleh iyo Nebi (scw)

Qalinkii : A/Rahman Fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive  ED PDA

United Kingdon

London

 

Source: war keydka qaranka.

Comments are closed