|

Maamul Goboleedka Puntland oo Qabtay Aalado Qarxa iyo Labaatan Qof {DHAGAYSO}

Garowe 31.March 2014 (SDN)- Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay howlgalo kala duwan oo ay ciidanku ka fuliyeen magaalooyinka qaar inay ku qabtaan 20-qof iyo agabyadda laga sameeyo waxyabaha qarxa iyo waliba lacag faaliso ah.

QaraxShir jaraa’id uu wasiirka Amniga kaga hadlayo howlgalada la sameeyay ayuu maanta 31.March.2014 ugu qabtay xarunta wasaradda ee magalada Garowe wuxuna sheegay in lagu guulaystay howlgaladaasi.

Bosaaso,Garowe iyo Gaalkacyo ayuu sheegay wasiirku in laga fuliyay ayna suurta gashay in gacanta lagu dhigo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii looga hortagi lahaa falalka lagu dhibaataynayo Amniga iyo hormarka Pl.

Aloore”Dowladda Puntland waxa ka go’an in ay la dagaalanto kooxaha argagaxisada ah iyo cid kasta oo isku dayda in ay waxyeelayso Amniga iyo Xasillonida Deegaanada Puntland” wuxuna shacabka ugu baaqay inay laamaha ammaanka la shaqeeyaan.

Aloore ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kale natiijada kasoo baxdana dib warbaahinta loogu soo bandhigi doono.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland ayaa dhankiisa sharaxaad ka baxshan waxyabaha qaraxyadda laga sameeyo ee dadka la qabtay ay wateen.

Puntland ayaa horay u sheegtay Somaliland inay garab iyo gaashaan siiso dagaal yahano ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Alshabab ee kasoo cararay koonfurta iyo bartamaha Somalia waxana heegan la galiyay ciidanka kala duwan ee difaaca si looga hortago weeraro ka yimaada kooxda.

Arrintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Puntland waxayna ku tilmaameen inay tahay tilaabo looga hortagayo hagar daamada Alshabab.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA WASIIRKA

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Aloore31.mp3″]

Garowe SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed