|

“Maanta waxaa qalinjabinaya wixii awoodeyda ah waan la qabanayaa ,waa dadkii idooortey waajib badan ayaa iga saaran” Madaxweyne Axmed Siilaanyo Sawiro

Gebilay 30.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha somailanad axmed maxamed maxamuud siilanyo iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saak ka qayb galey xaflada qalinjabinta dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa jaamacada Tima-ade ee gobolka gabiley.
Ardeydaka ka qalinjabisay jaamacada Tima-ade oo tiraadoodu dhaneyda 103 ardey ayaa halkaasi lagu gudoonsiiyey shahaadooyinkii loogu talogaley.

Ugu horeyn waxaa halkasi ka Hadley gudoomiyha jaamacada Tima-ade Dr cismaan aw yuusuf magan waxaanu madaxweynaha u bandhigey caqabadaha haysta jaanacada Tima-ade waxanu yidhi” waxaan maanta aad ugu faraxsanahay ina dufcadii ugu horeysay ka qalinjabiso jaamacadan Tima-ade, runtii waxaa dhismaha jaamacada qayb libaax leh ka qaatey dadweynaha reer gabiley gudo iyo dibaleh , waxaan u mahad celinayaa cidkasta oo xafladan gacan ka geyatey, runtii jaamacadu baahiyo faro badan ayey leedahay waxaan ugu daran laybareeligii kuliyada beeraha , oo dhan, iyo gaadhi naga caawiya macalimiinta aanu hargeysa kazoo qaadno.”ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadu.

Madaxweynaha Somaliland axmed maxamed maxmuud siilanyo oo halkaasi ka Hadley ayaa ka dhawaaajiyey inuu wixii karaankiis ah la qaban doono jaamacada Tima-ade ee gobolka gabiley waxaanu yidhi”walaalayaal maanta farax ayaan la hadli kari laayahay isda wanaagsan ee aad iisoo dhaweyseen aad baad u mahadsan tihiin, maanta waxaa qalinjabinaya dufcadii koowad ee jaamacadi Tima-ade , waxaan balan qaadayaa inaan wixii awoodeyda ah la qabto, wa dadkii idooortey wajib badan ayaa iga saran.”ayuu yidhi madaxweyne siilaanyo.

Geesta kale waxa uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray Guriga Martida ee Magaalada Gebilay iyo Gabyan loo sameeyay dooxa Magaalada Arabsiyo

geb3 geb8 geb7 Geb1 geb6 geb2 geb5 geb4

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed