Uncategorized

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo kulan la qaatay Imaamyada Masaajidada iyo Talooyinka Soonka

Hargaysa 10.July (SDN)   Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil C.laahi Axmed ayaa maanta xarunta Hay’ada Shaqaalaha Dawlada kulan kula qaatay Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidada Caasimada hargaysa .

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo kulankaas ka hadlay ayaa imaamyada Masaajidada dareensiiyay Mas’uuliyada balaadhan ee ay u hayaan bulshada isagoo ku booriyay in bisha barakaysan ee ramadaan ee aynu guda galnay ay Xil dheeraad ah iska saaraan isla markaana ay ku dadaalan Sidii loo Midayn lahaa Aadaamka Salaada Maqrib ee ay dadweynuhu ku afuraan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxaa kale oo uu ku booriyay Imaamyadu in Idaacada Dawladu Maamusho ee Radio Hargaysa ay kala socdaan Xiliga Saxda ah ee Aadaamka Salaada taas oo ah ayuu yidhi sida keliya ee lagu midayn karo Aadaamka Salaadaha.

Sheikh Khaliil waxa uu intaas ku daray in labada Eedaan ee Subixii ay u dhaxayso 40 daqiiqo isla markaana eedaanka hore ee Suxuurta aan la raacin “Asalaatu Khayru Mina Noom” si ay dadku u kala gartaan ayuu yidhi eedaanka Suxuurta iyo ka salaada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com