|

Maayarka Boorama oo Ka Xog Waramay Shir u furmay Maayarada Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland

Hargaysa 30.June (SDN)Maayirada Degmooyinka Derajada Kowaad ee Gobolada Dalka ayaa maanta Kulan ku yeeshay Xarunta  Dawlada Hoose ee  Magaalada Hargeysa.

Kulanka  Maayirada oo uu shir Gudoominayey  Maayirka Caasimada Hargeysa Mud,C/raxmaan maxamuud Caydiid, ayaa waxa ay  maayaradu kaga wada  hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen howlaha  horuumarineed ee degmooyinka ,wax wada  qabsina ay u yeelan lahaayeen.

Maayirka degmada Boorame Mud, Saleebaan xasan xaddi oo Kulankan  xog waran ka siiyey Shabakada Qurbejoog.com  ayaa sheegay in  Kulankoodani uu ahaa mid Is-barasho iyo sidii  ay degmooyinku u yeelan lahaayen iskaashi,,maadaama ayuu yidhi  ay degmooyinku wax-yaalo  badan ay ku kala duwan yihiin oo aanay isku dakhli iyo dhaqaale ahayn.

Mudane,Saleebaan xasan xaddi, waxa uu intaaraaciyey in kulankoodani uu ahaa kii kowaad iskulana meel dhigeen sidii Kulamadoodu u sii socon lahaayeen,waxaanuu xusay in ay isla qaateen  in  kulamadoda noocan ah ay isugu soo noqon doonaan  wixii ka danbeeya Bisha  barakaysan ee Ramadaan ee inagu soo foolka leh. Waxaanuu intaa ku daray in kulankan ay  kala soo qayb galeen saraakiil ka socota Hay’adda UN HABITAT oo iyadu taakulayn iyo caawimaba  siiya Dawladaha Hoose.

Dhinaca kalena, Muddane Xaddi oo ka hadlay  Wax-qabadka Golahooda Degaanka Boorame, waxa uu sheegay in ay howla badan fuliyeen,haatana ay wadaan qorshe ku saabsan sidii dadka  danyarta ah, kuwa degan xafiisyada dowladu leedahay iyo kuwa wadooyinka hareeraheeda degan ay ugu dhisi lahaayeen  Guryo, haatana la wado dhismaha 150 Guri oo ah bilowga dib u dejinta dadkaasi.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed