|

Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka oo Go’aano maanta soo saartay

Hargaysa 30.June (SDN) Maxkamada sare ee Ciidanka  Qaranka ayaa maanta fadhi ay yeelatay Xorriyadoodii u soo celisay Laba Racfaanle oo  hore loogu  kala xumay Dil iyo Xadhig.

Go’aan ay  soo saartay Maxkamada sare ee Ciidamada Qaranka ,,oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Qurbejoog.comayaa waxa  ay maxkamdu  ku Go’aamisay In xorriyadoodii loo soo celiyo :

-Racfaanle  Maxamed Cismaan Aadan oo hore ugu xukunaa dil

– Iyo Racfaanle- Cali Maxamed Dirir ooh ore ugu xukunaa Toban(10) sanadood oo xadhig ah.

Ka dib markii Racfaanlayaasha  Loo waayey  Markhaatiyaal  wax  ku cadeeya. Waxaanay Maxkamadu u Cuskatay Xukunkeeda  Qur’aanka Kariimka, Dastuurka iyo Qodobada 122 Xeerka ciqaabta ciidamada xilliga Nabada(XCCN) iyo Qodobka 109 ee Xeerka Ciqaabta Guud(XCG)  .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed