|

Madasha Wada Tashiga oo Si Ba’an u Weerar hanaanka Hogaamineed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargaysa 25.Nov 2013 (SDN)- Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wada tashiga iyo toosinta Qaranka Somaliland ayaa maanta arimo dhawr ah ku dhaliilay Xukumadda

Madasha-wada-tashiga-300x225Somaliland ee Madaxweyne Silaanyo gadhwadeenka ka yahay. Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo Mujaahid Maxamed Xaashi ayaa dhaliilo kala duwan u jeediyay Xukumadda, kuwaasi oo ku wajahan diido Xukumaddu kala hor timid Dooda Qaran ee Xisbiyada Mucaaradka ahi qabanayaan, Xisbiga Ucid oo shalay loo diiday in gudaha uu u galo Madaarka Hargeysa oo uu ka soo degayay Gudoomiyaha Ucid iyo fara galin ay sheegeen in Xukumaddu ku hayso Golaha wakiilada Somaliland

Mujaahid Ibraahin Dhagawayne oo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Musharaxa Madaxweyne ee Ucid iyo masuuliyiin xisbigiisa ah oo shalay loo diiday inay Madaarka Hargeysa galaan. waxa uu dadka ugu baaqay inay Barri ka qayb galaan soo dhaweynta Gudoomiyaha Wakiilada iyo Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro.

“ Cabdiraxmaan Cirro ayaa Aroorta soo degaayee waan in Hargeysa wixii mucaarad joogaa Madaarka tagaan, ilayn meesha inagaa u dhiibanaye Aabahood uga muu dhiman. Waxaanu leenahay hala wada tago bal cida loo diidayo iyo ninka meeshan leh aynu aragnee.” Ayuu yidhi Mujaahid Dhagaweyne.

Mudane Ibraahin Dhagaweyne waxa uu nasiib daro ku tilmaamay Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia oo dhawaan Hargeysa yimid oo uu sheegay inay muujinayso qadiyada Somaliland oo luntay. Waxa uu sheegay in haddii Xukumaddu sidaas ku sii socoto xornimadii loo dagaalay meel dheer laga dooni doono.

Mujaahid Xasan Ciise jaamac oo isna Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa Xukumadda ku sifeeyay mid kali talinimo u xuubsiibatay. Waxa uu sheegay in Xukumaddu ku qabsatay Magacii Aasaskooda oo golle ahaa, haddana ay Shirkii qaran ka hor timid iyadoo haddana ka aqbali la Xisbiyadda Sharciga ah ee mucaaradka ah.

“Xukumaddu Xuquuqdayadii muwaadin-nimo ee Xeerarka Caalamiga ah iyo Dastuurka Somalilandba ina siiyay ayay noo diiday, haddana labadii xisbi ayay imika u timid. Magacii ayay noo diiday oo Doodii ayay noo diiday oo aanu uga tanaasulay haddana xisbiyaddii ayay leedahay ma qaban kartaan. Waxa weeye arin aad iyo aad gar daro u ah oo Umadda aan qaban, labada Xisbi aan qaban, Garashada iyo Damiirka xorta ah ee daacada wadankan u ah aan qaban. Xukumaddu waxay isku khaldaysaa Xaqa uu Qofkastaa u leeyahay, Xisbi kastaa u leeyahay Koox kasta oo muwaadiniin ahi u leeyihiin inay Aayaha wadanka ka tashadaan, Talo uga soo jeediyaan iyo wixii iyada loo Igmaday oo ah inay Mudo kooban si amaano ah dalka u xukunto.” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna dhawr arimood ku dhaliilay Xukumadda sida fara galinta wakiilada iyo hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Daakhiliga oo uu nasiib daro ku tilmaamay.

“Dawladdu Faro galin badan ayay ku haysaa Baarlamaanka. Baarlamaanka, Xukumadda iyo Garsoorku waa saddex dhadhaar oo is dheeli tira. In midna mida kale fara galisana maaha laakiin waxaad moodaa in xukumaddu gacan haadis iyo u yeedh-yeedhad iyo dhib badan ay ku hayso baarlamaanka.Dawladda waxaanu leenahay howshiina oo aadku eegaataan ayaa fiican oo baarlamaanka nabad galisaan.” Ayuu yidhi Eng: Maxamed Xaashi

Maxamed xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Guurtida Nabadaynta, dhex dhexaadinta iyo wixii khilaafa wax ka qabashadeeda ayay tahay shaqadoodu. Guurtida markaan leeyahay waa Jamac oo waa inay wax ka doodaan laakiin maaha in Gudoomiyahoodu intuu tuurta arin iskaga rito uu yidhaahdo Niman is haya Ayaan dhexdhexaadinayaa.wayo dee intii kale xil ay la wadaagaan kamuu dhigin. Markaa Arintii Xisbiga Kulmiye dhexdiisa waxa u geeyaa dee Arin reer ayay daaramaysaa ee maaha mid guurti. Waxay ahayd in marka Kulmiye ka soo codsado golaha lagaga doodo oo sidaa guurtidu ku gasho.”

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu sheegay in Arin culus oo fadeexad ah ay tahay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland.

“Wasiirka Daakhiliga oo Mansab weyn hayaa wuxuu soo jeediyay inay jiraan Rag Xisbiyada iyo mucaarad uun ah oo Xamar Lacag laga siiyo waana Eed weyn oo aanu u haynin Cadayn. Markaasuu waliba raaciyay ninkaas ayaa dalkii duminaya oo laaluush ku qaata waa ceeb weyn” ayuu yidhi Maxamed Xaashi..

Hadalka Mujaahidiintan ayaa ka dambeeyay Xukumadda oo diiday in Xisbiyada Mucaaradka ahi qabtaan Dood qaran oo lagaga hadlay halka Xaalada dalku marayso iyo godaloolooyinka jira sida ay sheegeen xisbiyadu. Xisbiga Ucid oo shalay loo diiday inuu Galo Madaarka Hargeysa xili ay soo dhaweynayeen Gudoomiyaha Xisbigaasi oo dalka ku soo laabanayay iyo Golaha wakiilada oo khilaaf dhawaan soo kala dhex galay Shir gudoonka lagu Eedeeyay Xukumadda ka dib markii isku shaandhayn Gudoomiyaha wakiiladu guddi hoosaadada ku sameeyay uu joojiyay ku xigeenkiisu.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed