|

Hargaysa oo lagu qabtay Shir hawleed ku saabsan Sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada

Hargaysa 26.Nov 2013 (SDN)- Kulan lagu gorfaynayay  sidii fursado  shaqo loogu abuuri  lahaa dhalinayarada  ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranka.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka 2Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hayada ILO  waxa kasoo qeyb galay   ururada bulshada , waiiro , agaasmiyaal guud  iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay qiimayn lagu sameeyay heerka shaqo  la aanta dhalinayarada  somaliland  iyo  sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa  iyadoo laga duulayo  xirfadaha shaqooyinka dalka laga hirgalin karo,

Wasiirka wasaaarda qorsahynta qaranka mudane sacad cali shire oo halkaasi kala hadlay  xubnihii ka qeyb galay ayaa soo jeediyay qodobo kala duwan kuwaasoo si faah faahsan madasha loogu falanqeeyay islamrkaa nuxurkoodu ahaa sidii shaqo abuur dalka looga samayn lahaa , waxaanu wasiirku dhalinayarada iyo xubnihii ka qeyb galay kulankaasi ku booriyay in dalka hooyo la aamino ,iyadoo la raacayo siyaasada shaqo abuurida dhalinayarada ee xukuumada maadaama dalka laga heli karo fursad badan oo dhalinayada shaqo loogu abuuri karo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed