Hargaysa 04.July (SDN) Wasiirka Cusub ee Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada Cali Jaamac Faarax ayaa maanta si rasmi ah Xilkii Wasaaradaasi ugala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire .
Kulankan Xil Wareejinta oo ka dhacay Xarunta Wasaaradaasi waxaa hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka soo Jeediyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Kalluumaysiga C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire oo ka waramay Waxqabadkii u hirgalay Wasaaradaas Mudadii uu Xilkeeda hayay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Geeljireiyowareejinta(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
