Qahira Jan 28,2014(SDN)-Generaalada dalka Masar ayaa u doortay madaxa ciidamada Masar Abdilfataax el-Sissi oo lagu wado in saacadaha ina haya uu isu taago xilka madaxweynenimo ee dalkaasi.
El-Sissi oo ku soo caan baxay afgenbigii xilka looga tuuray madaxweynihii u horeeyay ee Masar shicibku codkooda ku doortaan Maxamed Morsi.
El- Sissi ayaa lagu wadaa in uu aqlebiyad ku helo kursiga dalkaasi u sareeya macdamaa aaney jirin cid magac leh oo la tartanta,awooda ciidamada iyo warbaahinta dalkaas oo amaan moooyee aan dhaliili kareyn.
Doorashooyinka dalka Masar ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto bisha April ee sanadkan.
El Sissi oo cilmiga ciidamada ku bartay Mareykanka ayaan Morsi hortii aad loo aqoon,Morsi ayaa u magacaabay wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada.
Si kastaba ha ahaatee siyaasada Masar ayaan la maleyn kareyn halka ay sal dhigan doonto xiliga doorashooyinka ka dib,khaasatan hadii El Sissi loo doorto Madaxweyne.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com
