|

Madaxda maamul goboleedyada Jubba iyo Koonfur galbeed oo tagay Garowe

Garowe  30 April, 2015-(SDN/QJ)-Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubba iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

MadaxdaAxmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba, iyo hoggaamiyaha maamulka koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalayo wajiga labaad ee shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, oo looga hadlayo barnaamijka hiigsiga cusub iyo qodobba kale oo la xiriiira geedi-socodka nabadda dalka.

Labada mas’uul ayaa u sheegay saxaafadda, in ay rajeynayaan in shirku ka soo baxaan qodobba dhaxgal u ah shacabka Soomaaliyeed.

Horay, waxaa ugu sii sugnaa Garowe madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka qeybgalayo shirka wada-tashiga.

Comments are closed