|

Isbedelkii ugu Layaabka badnaa oo Ku Yimid Habkii Dhaxal Tooyo ee Boqortooyada Sucuudiga

Riyadh 30.April 2015 (SDN/QJ)-Isbeddelkii ugu ballaadhnaa ayuu Boqorka Cusub ee Sucuudigu Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ku sameeyey Hannaanka Is dhaxal ee Boqortooyadiisa iyo waliba Jagooyin kale oo Dawladdiisa kamid ah.
Boqor Salman Bin Cabdulcaziz, ayaa xilka ka qaaday ninka lahaa dhaxalka boqortooyada isla markaana ah walaalkiis, Muqrin Bin Cabdulcasiis.

5066462099777640360noWaxaa uu xilkaasi u magacaabay wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamad Bin Nayf Bin Cabdulcasiis.

Waxaa uu sidoo kale wiilkiisa, Maxammad Bin Salman, u magacaabay ku xigeenka ninka leh dhaxalka boqortooyada.

Wasiirka arrimaha dibedda waxaa loo magacaabay, Caadil Al-Jubeyr, oo aan ka tirsanayn qoyska boqortooyada, kaddib markii uu is casilay Sacuud Al-Faysal.

Boqorka cusub ee Sacuudiga ayaa is baddel ku sameynayay maammulkii uu dhisay ninkii ka horreeyay ee Cabdalla Bin Cabdulcasiis, oo geeriyooday dabayaaqadii bishii January ee sanadkan.

Isbeddelkan, ayaa loo arkaa mid laga soo dhaweyeeyey Gebi ahaanba Waddanka Sucuudiga iyo dalalka kale ee Dimuqraadiyadda Taageera, waxase aan soo dhaweynin Qoyska Reer Boqor oo arrintan u arka mid keeni karta in hoggaanku uu marka dambe iyaga dhaafi karo.

Lama shaacin Sababaha ku keenay Boqor Salmaan inuu isku beddelkaas culus sameeyo, balse waxa jira Cadaadis dalkiisa ka haysta Weerarka uu ku qaaday Dalka Yemen iyo Waddanka kale ee Iran oo ay si weyn siyaasadda Gobolka iskugu hayaan.

Comments are closed