Uncategorized

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo TELESOM Ka Joojisay Baahintii [Relay-ga] Ahayd ee Radio Hargeysa Kusoo Tebinaysay Tartanka Ciyaaraha, Una Xaglisay SOMTEL

Hargeysa (SDN/Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay shirkadda TELESOM ka joojisay  adeeg ay  hore ugu taborucday Idaacadda Radio Hargeysa inay  si toos ah ugu soo tabiso Dadweynaha Ciyaaraha Gobollada, ee ka socda garoonka Hargeysa Stadium.

Adeegan oo ah mid Weriyayaasha Radio Hargeysa ee ku sugan Garoonku ay Dhacdada Ciyaarta  toos ugu soo tebinayaan dhegeystayaasha iyaga oo qaab [Relay] ah ugu soo gudbinaya ayaa la sheegay in wasaaradda Warfaafintu ka joojisay Shirkadda Telesom, Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay  looga joojiyay, hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Hubaal u sheegay in Amarkani Wasaaradda kaga yimi dhinaca sare iyadoo  loogaga hiiliyey shirkadda kale ee isgaadhsiinta  ee Somtel, oo hore dhigeeda TElesom ugala wareegtay  baahintii Intertnetka ee SLNTV.

shirkadda Telesom  oo    Radio Hargeysa Siisay adeegan bilaashka ah isla markaana dorraad dadweynuhu ka markhaati ahaayeen in ay wariyayaashii warka soo tabinayay uga mahadnaqayeen Shirkadda Telesom adeegaasi ay u fududaysay oo aanay Xukuumaddu markii hore qabanin. Qaar ka mid ah dadka sida tooska ah ula socday Radio Hargeysa dorraad markii ay Ciyaaruhu ka socdeen ayaa ka baaqsaday in ay hor fadhiistaan Shaashadaha ama ay tagaan Garoonka, waxaanay iyaga oo hawlahooda wata si toos ah uga socdeen Radio-ga.

Ilaa hada Xukuumaddu kama hadal arrintan hase yeeshee Ilo wareedyadaas ayaa Hubaal u sheegay inay ilaa Xalay Masuulyiinta TElesom Xukuumadda kala hadlayeen sababta keentayin lagaga joojiyo adeegan iyo qodobka loo cuskaday. Warku waxa uu intaas ku darayaa in ay arrintani gaadhay illaa Madaxweynaha oo cabashada Telesom gaadhay, Mase jiraan  wax faahfaahin ah oo ilaa haatan labada dhinac kasoo baxay.

Shirkadda Telesom oo ah shirkad Isgaadhsiineed oo Dalka Horumar balaadhan gaadhsiisay ayaan la garanayn sababta ay Xukuumaddu cadaadiska joogtada ah ugu hayso.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com