Uncategorized

Madaxtooyada Oo Qiimihii Ugu Sarreeyey Ku Doonaysa Cod Ama Muuqaal Marag U No qda Ansaxinta Guddida Fulinta Oo Xudun u ah Khilaafka Xisbiga

Hargeysa:June,05,2014(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somaliland ayaa muddo Toddoba cisho ah si weyn u raadinaysay Muuqaal ama cod ku saabsan Soo-jeedin uu Wasiiru-dawalaha Madaxtooyada somaliland ka jeediyey shirweynihii kulmiye ee dhamaaday, kaas oo ku saabsanaa Ansaxinta Golaha dhexe ee Xisbiga.

abeeCodka ama muuqaalka  madaxtooyadu raadinayso ayaa Bud-dhig u ah khilaafka Kulmiye, isla-markaana  tiir-dhexaad u ah Doodda Madaxtooyada ee ah in  shirweynaha lagu ansaxiyey Guddida Fulinta  ee Xisbiga oo Hoggaanka Xisbigu ku doodayo inaanu jirin wax cod ah oo loo qaaday.

Madaxtooyada ayaa ku Andacoonaysa in Maxamed Muuse Abees uu Shirweynaha dhexdiisa ka qaaday codayn ahayd in shirweynuhu u codeeyo Golaha Fulinta oo Lagu Daray Toddoba Xubnood oo loo Geeyey Wasiir Samaale oo heshiis Hoose oo xisbigu gaadhay ay ahayd in Golaha Fulinta lagu daro.

Xaqiiqada shirka Dhexdiisa ka dhacday iyo Muuqaallada la hayo,ayaa noqday qaar sheegaya ama muujinaya  in maxamed Muuse Abees uu codka u qaaday in Toddoba xubnood iyo Wasiirka Maaliyadda  oo Xisbigu ku Heshiiyey In Guddida Fulinta  lagu daro laga Ansaxiyo Shirweynaha, taasna la isku raacay, balse aanay jirin meel uu shirweynaha kaga codsaday in Guddida Fulinta lagu Ansaxiyo.

Dacwadda ina Muuse Abees ayaa waxa si weyn u  rumaysatay Madaxtooyada, balse Nasiib darrada dhacday ayaa Noqotay in la waayey wax markhaati ah oo arrintaasu ku  leedahay Keydadka iyo Muuqaalada laga duubay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye.

Sida ay Qurbejoog.com Heshay waxa ay madaxtooyadu Qaadday Tallaabo ay Muuqaalkaas ama codka Dacwadda ah in loo codeeyey Guddida fulinta u fuushay Geed dheer iyo Mid gaaban ba, waxana ay Galalaftay iyadoo adeegsanaysa Ballanqaadyo Maaliyadeed Dhammaanba Xafiisyada TV-yada gaarka loo leeyahay iyo ka Qaranka si ay  u hesho  markhaatiga waxa ay ku Dacwiyeyso.

 

Wararka Qurbejoog.com Heshay ayaa muujinaya in lala soo xidhiidhay Tiro Badan oo ka mid ah Camera-Man-nada Tv-yada Madaxa Bannaan, Agaasimayaasha Tv-yada iyo Waliba wariyayaal kale oo Madaxtooyada Xidhiidh la leh, iyadoo laga codsaday inay Keenaan Muuqaal ama Cod Arrintaas muujinaya, kadibna ay sheegtaan Waxa ay u Baahan Yihiin, balse Taas ma jirto cid ku guulaysatay inay Keento maadaama aanay wax jira ahayn.

Madaxtooyadu ma ay yaraysan Dedaalka ay ugu jirto inay hesho Markhaatiga Dooddeedda, waxana wali socda Baadhitaanada lagu Hayo Xarumaha Keydka Ee Tv-yada Madaxa Bannaan lagu  Hayo, walise waxba lama Hayo lamana filayyo in la Helo doono, maadaama aanu dhawaaqaasi ka soo bixin afka Maxamed Muuse Abees.

Wariyayaashii Arrintan Raadinteeda isku Dayey oo ay la Xidhiidhay Qurbejoog.com ayaa sheegay inay kaliya  heleen Muuqaalo iyo Codad uu Maxamed Muuse Abees ku sheegayo in loo codeeyo in Toddobada XUbnood  iyo wasiirka maaliyadda ee xisbigu heshiiska ku yahay in lagu daro Gudduda fulinta laga Ansaxiyo  Shirweynaha, taasina ay noqotay wax ka duwan midda madaxtooyadu raadinayso.

 

Wararkii ugu  dambeeyey ee Madaxtooyadu Helitaanka Codkaas kagaga Ballanqaado ayaa maraya Gaadhi Macaradka Yaalla in Furihiisa la siin Doono Qofkii Nasiib u yeesha inuu keeno Waxa la doonayo, balse waa wax aan la helin, maadaama hadalku aanu ahayn sida loo sheegay.

Baadidoonka Madaxtooyada ee Muuqaalkan ayaa qayb ka ah Tiirarka ay u cuskanayso Doodda ay kaga soo horjeedaan Garabka kale oo iyagu sheeganaya inaanay jirin wax  Guddi fulineed ah oo lagu ansaxiyey Shirweynihii Xisbiga ee dhawaan Dhammaaday.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com