|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland & Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya oo Kulan Dhinacyo badan leh ka Yeeshay Xaalada Guud ee Mandaqada & Xidhiidhka Labada dal SAWIRO/DAAWO

Addis Ababa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo dhaweeyey madaarka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya maanta, halkaas oo ay uga bilaabantay booqasho rasmi ah oo uu muddo laba maalmood ah ku joogi doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay madaarka diyaaradaha waxa uu sheegay in booqashadiisani sii xoojin doonto xidhiidhka dheer ee taariikhiga ah ee u dhexeeya labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kaloo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland intaa ku daray in dalkiisa Somaliland ay ka go’antahay ilaalinta amniga iyo deganaanshaha gobolka Geeska Afrika, si looga mandaqada ay uga hirgasho xasillooni iyo horumar baaxad leh.

“Somaliland waxa go’an sii xoojinta nabadda iyo deganaanshaha Gobolka Geeska Afrika iyo sidii looga wadashaqayn lahaa in Geeska Afrika gaadho horumar iyo xidhiidh wanaagsan oo ay wada yeeshaan dalalka Gobolku,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey, “Itoobiya waa dal taariikh dheer leh oo ay ku faanto qaaradda Afrika, waxaannuna tixgelinaynaa doorka ay Itoobiya ku leedahay Midowga Afrika.”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa isna sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo shucuubtoodaba uu ka dhexeeyo cilaaqaad qoto dheer, taas oo faa’iido u ah deganaanshaha iyo ammaanka labada dal iyo gobolkaba, isagoo xusay in goobta istaraajiyadeed ee ay ku taalo Somaliland ay tahay mid ahmiyad wayn ugu fadhida dalka Itoobiya.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyey in ay kulan wada yeelan doonaan Ra’iisal-wasaaradaha dalka Itoobiya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ay kaga wadahadli doonaan arrimaha kala duwan ee mandaqada iyo sidii labada dal ay iskaga kaashan lahaayeen danaha ay wadaagaan iyo weliba sii xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya.

Comments are closed