Uncategorized

Madaxweynaha Kenya oo Ku Amaanay Ciidamadiisa ku Sugan Gudaha Somalia Qaybta ay kaga Jiraan Xasiloonida Gobolka

Nairobi 01.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Kenya ayaa sheegay in uu u mahad-naqayo ciidamada dowladdiisa ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Kenya's fourth president, Uhuru KenyattaUhuru Kenyatta oo xalay saqdii dhexe TV-ka kala hadlay dadweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ay qeyb ku leeyihiin sugidda amniga gudaha waddankiisa.

Waxa uu sheegay in haddii uu gobolku nabdoon yahay ay Kenya-na tahay mid nabad-gelyadeedu ay buuxdo.

Geesta kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Sheegay in Xukuumadiisu ay balanqaadayso Shacabka Kenya in Sannadka Cusub ee inoo bilaabmay ee 2014ka ay rumayn doonto ka Midho dhalinta Qodobadii uu ku hantay Codka Kalsoonida Shacabka.

Dowladda Kenya ayaa waxay ciidamo ka joogaan qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM).

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com