Uncategorized

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Isfaham Buuxa Laga Gaadhay Dhibaato Haysatay Arday Reer Somaliland Oo Ehiopia Wax Ka Baran Jirtey

Hargeisa:02-Janu-2014(SDN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa War ka soo saartay Muran ka taagnaa Arday ReerSomaliland ah oo Dawladda Ethiopia u diidday waxbarasho ay halkaasi u tageen.

dibadddWasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay in arrintaas heshiis labada Dhinac ka gaadheen, isla-markaana haatan la dhameeyey murankii iyo is fahan waagii ka taagnaa arrintaas.

 

Waxa lagu sheegay warsaxaafadeedkan in dhibkaas taagnaa dhamayntiisa ay ku guulayteen Safiika iyo Kuxigeenka Somaliland u fadhiya Ethiopia ay kulamo kala duwan Adis Ababa  kula qaateen saraakiil sare oo ka tirsan Dawladdaas, isla-markaana gebi ahaanba wixii jirey meesha laga saaray arrinana is faham buuxa laga gaadhay.

Warsaxaafadeedka wasaaradda oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com, ayaa u dhignaa sidan:

 

 

War saxafadeed

Safiirka & safiir ku-xigeenka s/land u fadhiya dalka Ethiopia waxay wasaaradda arrimaha dibedda dalka ethiopa kula kulmeen agaasimaha waaxda afrika ee wasaaradaasi iyo agaasimaha dalalka jaarka ah waxayna ka wada hadleen

•Fiisaha & ciqaamada ardayda reer s/land ee ethiopa wax-ka barata dalkaasi, ka dib markii ethoipa go’aansatay in dib u eegis lagu sameeyay iqaamahada dadka ajaanibka ah ku joogaan dalka ethoipa oo ay ku jiraan dadka Somaliland u dhashay.

•labada dhinacWaxay isku afgarteen in ardayda s/land ee ethiopa dagen waxna ka barta dalkaasi in ay safaarada somaliland u soo gudbiyaan liiska magacyadooda si dib u eegis loogu sameeyo loona siiyo ciqaamado waxbarasho.

•arintaas waxa loo xil saaray guddi ka koobaan labada dal,kuwaas oo kala ah safiir-kuxigeenka somliland u fadhiya dalka ethoipa iyo agaasimaha waaxda dalalka afrika ee wasaraada khaarajiga ethoipa.

•Inta ay hawsho socoto lama mustaafurin doono ardayda u dhalatay dalka Somaliland ee ku sugan Itoobiya

Axmed Yusuf Cilmi(Suudi)

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda

& Iskaashiga Caalamiga ah