Johansburg:June,21,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha dhawaan la caleemo saaray ee Dalka Nigeira Mohamadu Buxari oo haatan ku sugan dalka K/Afrika, ayaa kulan uu la qaatay jaaliyadda dalkiisa ee halkaas deggen ku aflegaadeeyey Shacabka soomalida iyo hoggaankoodaba, isagoo dadkiisa u sheegay in Haddii ay isku duubnaan waayaan ay sida somalida oo kale noqon doonaan.

Mahamadu Buxaari oo muwaadiniinta kasoo jeeda Nigeria ee ku nool dalka South Africa u sifeynaayay sababta uu tusaalaha ugu soo qaatay dalka Somalia ayaa waxa uu sheegay in dalka Somalia uu saaxiib u noqday burbur iyo saldhigyo argagixiso taasina ay mudan tahay inay ka feejignaadaan oo ay dalkooda u raadiyaan wanaaga iyo xasiloonida.
Buxaari ayaa sidoo kale, Somalia ku sifeeyay meel ay hogaan u noqdeen dad danaystayaal ah, oo ka fekeraaya oo kaliya naftooda, sida uu hadalka u dhigay.
Mr Buxaari waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay dadka reer Nigeria ay ka fekeraan in ay iska badbaadiyaan dad uu ku tilmaamay in ay yihiin sida kuwa Soomaaliya hogaamiya oo kale ah, oo uu sheegay in ay danahooda shaqsi ahaaneed un ka fekerayaan.
Waxa uu si gabasho la’aan ah shacabkiisa ugu hor caddeeyay in sababta Muwaadiniinta Nigeria loogu beegsanaayo gudaha dalka South Africa ay tahay qaadashada dhaqanka Soomaalida sida qaraxyada, burburinta dalkooda iyo in mid waliba uu ka shaqeeyo maslaxadiisa gaarka ah, taasina looga bixi karo in laga fogaado wax waliba oo keeni kara amni darida.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa maalmo ka hor muddo Saddex maalin ah ku sugnaa dalka Nigeria isaga oo halkaasi kaga qeybgalaayay caleema saarka Madaxweynaha dalkaasi Mahamadu Buxaari, waxa uuna Buxaari abaal uga dhigay Xassan Sheekh iyo shacabkiisa aflagaado ah in shacabka iyo mas’uuliyiinta Somalia ay u dub-dhaxaad u yihiin musuq-maasuq iyo fiirsashada danahooda gaarka ah.
Dalka Nigeria ayaa waxa uu dhanka amaanka la tartamayaa Somalia waxaana inta badan ka dhaca weeraro ismiidaamin ah oo aan ka dhicin dalka Somalia kaasi oo ay ku nafwaayan dad aad u farabadan.
SDN/QJ
