|

Madaxweynaha Punt land oo la kulmay Safiirka UK ee Ethiopia

Addis Ababa 28.Feb 2014 (SDN)- Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ethiopia ayaa maanta magalada Addis ababa kula kulmay safiirka dowladda Britain ee Addis ababa.

Gregory Dorey sidoo kale waxa uu yahay wakiilka joogtada ah ee Midowga Africa waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo salka ku hayo hormarka.amaanka,qorshaha nidaamka axsaabta badan.

Madaxwayne Gaas ayaa safiirkan u gudbiyay war bixin faah faahsan oo xanbaarsan xaalada guud ee Gobaladda Puntland iyo sida looga baahan yahay dowladda UK inay door ka qaadato hormarinta.

Waxay labadaan masuus kulanka sidoo kale kusoo hadal qaadeen xoojinta xiriirka dibmulaasiyadeed ee Garowe & London.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Sareeye Guuto Siciid Dheere, Wakiilka Ethiopia u fadhiya Puntland Mahad Faarax iyo saraakiisha madaxtooyada.

Maalmahan soo socda ayaa lagu wadaa Dr.Gaas inuu dib ugu soo laabto magalada Garowe oo ay kusoo wajahan yihiin wafdiyo kala duwan oo QM & Turkiga ka socda.

4_503_492_541_61Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed