|

Wasiirka Macdanta ee Somaliland oo Booqasho ugu Kicitimay Imaaraadka Carabta iyo Shirkado Baadhiseed oo kula kulmayo

Hargaysa 28.Feb 2014 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta Eng Xuseen  Cabdi Ducaale,ayaa maanta safar shaqo ugu  kicitimay dalka Isu-tagga imaaraadka Carabta,halkaasoo uu kulan iyo wada hadal kula yeelan doono Masuuluyiinta afar shirkadood ooh ore Somaliland heshiis shidaal baadhis ah ula gashay.

Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka SaxWasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland  Xuseen Cabdi Ducaale,ayaa intaanu maanda ka dhoofin Madaarka caalamiga ah ee  Cigal Intranational Iarport Hargeysa,ayaa sheegay inay shirkahadaa ka wada hadli doonaan sidii ay Somaliland u iman lahaayeen isla markaana ay u bilaabi lahaayeen hawlaha sahaminta shidaalka iyo macdantakale ee dalka.

.Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale,ayaa masuuliyiinta shirkada uu la kulmayaa waxay kala yihiin (Genel,Dno,Rak Gas,Ansan(Wikfi).

Shirkan ay wada yeelanayaan  Wasiirka iyo shirkadahan sahiminta shidaalka, ayay  kaga  wada hadli doonaan  arrimaha wacyigalinta iyo amniga Somaliland sidii amniga dhulka sahaminta loo sugilahaa  ,iyadoo ay  Somaliland hore shaqo uga bilowday shirkada Genel Energy .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed