Hargaysa 07.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha jsl mudane Axmed Maxamed Maxamu (siilaanyo) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda shirkada D N O oo heshiis dhinaca shidaal baadhista ah kula jirta Somaliland kuwaas oo socdaal hawleed ku Yimid Dalka.
Wafdigan ayaa waxa socdaalkoodu la xidhiidhaa sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen guda galka hawlgalkooda shaqo ee dalka.
Wafdigan ka socda shirkada shidaalka ee DNO waxa kale oo ay kulan la yeesheen Wasiirka Wasaaarda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Waxaanay ka Warbixiyeen Arrimaha ay ka wada hadleen Shirkada DNO
Xubno ka mid ah wafdiga ka socda shirkada D N O oo iyana ka hadlay socdaalka ay ku yimaaadeen dalka ayaa sheegay in uu gogol xaadh u yahay hawlgalka shaqo ee ay dalka ka bilaabayaan , iyaga oo ka mahadnaqay soo dhaweynta ay kala kulmeen madaxda iyo masuuliyiinta ay la kulmeen .
Guji Halkan Si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato Hadaladii Wasiirada iyo Weftiga
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KulankaDNO.mp3″]

Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
