|

Madaxweynaha Somaliland oo Masjid Jaamaca Hargaysa Kula Tukaday Boqolaal Ka Mid ah Shacabka Hargaysa SAWIRO

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta la Ciiday Kumanaan ka mid ah Shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Hambalyana u diray Shucuubta Islaamka iyo Bulshada Reer Somaliland meel ay joogaanba. Waxana ka mid ahaa weedhihii Madaxweynaha  “Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.

Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.

Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.

Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay”.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Caasimada ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Golaha guurtida, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen, Madaxda dhaqanka qaar ka mid ah, Badhasaabka gobolka Maroojideex iyo masuuliyiin tiro badan.

dsc_0000 dsc_0001 dsc_0002 dsc_00004 dsc_0008 dsc_0012 dsc_0022 dsc_0025 dsc_0027 dsc_0030 dsc_0032 dsc_0034 dsc_0037 dsc_0039 dsc_0040 dsc_0057 dsc_0060 dsc_0065 dsc_0068 dsc_0079 dsc_0082 dsc_0090 dsc_0097 dsc_0100 dsc_0101 dsc_0103 dsc_0104 dsc_0105 dsc_0108 dsc_0111 dsc_0113 dsc_0114 dsc_0115 dsc_0122 dsc_0123 dsc_0129 dsc_0131 dsc_0132 dsc_0135 dsc_0142 dsc_0145 dsc_0148 dsc_0151 dsc_0152 dsc_0154 dsc_0155 dsc_0156 dsc_0158 dsc_0160 dsc_0169 dsc_0173 dsc_0180 dsc_0182 dsc_0184 dsc_0187 dsc_0190 dsc_0191 dsc_0192 dsc_0194 dsc_0197 dsc_0199 dsc_0202 dsc_0206 dsc_0207 dsc_0209 dsc_0212 dsc_0218 dsc_0220 dsc_0222 dsc_0223 dsc_0229 dsc_0235 dsc_0239 dsc_0240 dsc_0241 dsc_0244 dsc_0245 dsc_0246 dsc_0247 dsc_0251 dsc_0256 dsc_0261 dsc_0276 dsc_0278 dsc_0279 dsc_0280 dsc_0285 dsc_0291 dsc_0296 dsc_0304 dsc_0306 dsc_0307 dsc_0308 dsc_0312 dsc_0317 dsc_0321 dsc_0324 dsc_0329 dsc_0333 dsc_0343 dsc_0352 dsc_0354 dsc_0359 dsc_0364 img_0000 img_0001 img_0004 img_0041 img_0046 img_0068 img_0086 img_0107 img_0117 img_0120 img_0143 img_0157 img_0169 img_0504 img_0523 img_0539 img_0548 img_0559 img_0569 img_0573 img_0579 img_0585 img_0586 img_0612 img_0628 img_0670 img_0717 img_0720 img_0724 img_0731 img_0775 img_0788 img_0794 img_0800 img_0823 img_0877 img_0888 img_0902 img_0941 img_0957 img_0965 img_0980 img_0982 img_0993 img_1001-2 img_1001 img_1022 img_1026 img_1033 img_1041 img_1073 img_1079 img_1083 img_1093 img_1100 img_1112 img_1171 img_1183 img_1198 img_1203 img_1223 img_1227 img_1246 img_1297 img_1345 img_1365 img_1391 img_1419 img_1432 img_1441 img_20160912_074801 img_20160912_074804

Comments are closed