|

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madax kale oo salaadii ciida ku dukaday masaajidka Isbaheysiga

Muqdisho 12.Sep 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ayaa boqolaal ka mid ah dadweynaha  Muqdisho kala qeybgalay dukashada  salaadda ciidul Adxa oo lagu qabtay Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

ciida4Dukashada salaadda ciidul Adxa waxaa sidoo kale  ka soo qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari), xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamulada dalka.

Madaxweynaha oo salaada ka dib khudbad dheer ka jeediyay Masjidka ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo xaaladda dalka la xiriira gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo arimaha bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed waxaa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa, isagoona sheegay in loo baahan yahay in qofkasta uu ka qeyb qaato dhismaha dowladnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa  mar kale ku celiyay baaq uu u jeediyay dhalinyarada ay marin habaabiyeen ururka Al-Shabaab, waxaana uu ugu yeeray in ay u soo laabtaan dadkooda isla markaana ka tanaasulaan fikirka munxarifka ah ee ku dhisan baabi’inta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka dalbaday dadka xumaha wada  in ay ka waantoobaan falalalka guracan , isagoo xusay in loo baahan yahay in qofka aan wax wanaagsan umadda u sheegeynin in uu iska aamuso.

Comments are closed