Hargaysa 18.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa Saaka ka soo Kicitimay Magaalada Ceerigaabo,isla markaana Goob Fagaare ah kala hadlay Bulshada ku nool degmada Ceel afweyn.
Xubno isugu Jiray Salaadiin Maamulka Degmada Ceel afweyn iyo aqoon yahano oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha u qadimay baahiyo ay Degmo ahaan tirsanayaan isla markaana ay rabaan in Xukuumada dhexe ka gacan siiso kuwaas oo ay ugu Mudan yihiin sida ay sheegeen in loo balaadhiyo Saldhiga Booliska ee Magaalada Ceel afweyn lana keeno askar ku filan amaanka degmada iyagoo xusay in Guud ahaan Ciidanka haatan degmada ka hawl galaa ay yihiin dhawr iyo toban askari, Waxaa kale oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyeen bilowga dhismaha wadada Ceerigaabo oo go’doon ka ahaa dalka intiisa kale.
Wasiirada Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir “Cukuse”,Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade, Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Abgaal, Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Kulankaas ka hadlay ayaa iska daba maray Sida ay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo uga Go’an tahay dhamaystirka Waddada Ceerigaabo oo haatan uu bilaabmay Wejigeedii Kowaad Waxay Wasiiradani Tilmaameen doorka kaga aadan bulshada Gobolkaasi iyo Qurbejoogaba kaga beegan ka qayb qaadashada dhismaha wadadan .
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Gunaanadkii Kulankaasi ka hadlay ayaa uga Mahadceliyay Shacabka ku nool Degmada Ceel afweyn Sida diiran ee Caadada u ah ee ay mar walba ay u soo dhaweeyaan marka uu yimaado degmada Ceel afweyn, Madaxweynaha Siilaanyo waxa uu sheegay in Gobolka Sanaag ay u wadaan Mashruucii ugu waxtarka balaadhnaa ee abid soo mara kaas oo ah dhisitaanka waddada isku xidhi doonta Ceerigaabo iyo Burco oo haatan si rasmi ah loo bilaabay.
Weftiga Madaxweynaha ayaa Markaas kadib ka soo Kicitimay Degmada Ceel afweyn,Iyadoon la Garanayn Gobolka kale ee ay tagayaan Madaama inta badan Sir laga dhigo Deegaanka uu Weftiga Madaxweynuhu ku Jihaysan yahay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
