Uncategorized

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo si xifadeysan uga maquurtay eedaha xukuumadiisa

Hargeysa April 05,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ee uu madaxa ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa mudadii ay xilka heysay waxa loo saariyay eedo fara badan oo salka ku haya goaamo ay qaadatay oo u muuqday qaar aan u cuntamin guud ahaa shacabka gaar ahaana taageereyaashii xisbiga Kulmiye.

Goaamada la dhaliilay waxa ka mida habka loo soo dhisay xukuumadan dhanka ka raran,qeylo dhaanta beelaha daahafaha iyo dhaqaale urursi badheedha.

Balse Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ku guuleystay meel marinta ah in talada dalka ay ka godo marwadiisa,wasiirada madaxtooyada iyo arrimaha dibedda.

Dadka sida weyn u dhaliilsan xukuumada ayaa dhaliisha u saara “dad” ku xeeran madaxweynaha.

Balse tani waa qorshe si wanaagsan u hirgalay,sabtoo ah waxaad la socotaan in madaxweyne Siilaanyo tiraba dhawr jeer saxaafada ku weeraray ashqaas uu u arkayay in ay u jeediyeen dhaliilo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa gebi ahaanba wada qorsheyaasha dawladeed ee la dhaliisan yahay,sababta oo ah marka aad eegto habdhaqankiisa waxa uu kuu soo baxaya in uu qorsheeyay in dhaliilaha uu uga muquurto dhalinta iyo Xaawaleyda Madaxtooyada.

Halka Goaamada uu isagu si shaqsi ah u gaadho ka dibna uu u dhiibo dadka uu u gu kalsoon yahay.

Madaxweynaha ayaa gebi taageerayaashiisii aan wax dheefa ka helin xilka uu qabtay u isticmaalay Ashqaas aan u aabo yeelin dareenkooda.

Si kastaba ha ahaatee isweydiintu waxa weeye inta uu qorshahani socon karo iyo inta ay reer Somaliland ku qaadaneyso in ay la xisabtamaan madaxweyne Siilaanyo,eedihiisana isaga loo aaneeyo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com