Uncategorized

Saylac: Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan afar qof oo ajinabi ah oo ay Somaliland gacanta ku dhigtay

Saylac, 05, 2012 (SDN)- Guddoomiyaha Gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa sheegay in afarta qof ee shisheeyaha ah oo watay gaadhi landcruiser ah ay shalay abaaro shantii galabnimo u soo gudbeen Somaliland, iyagoo ka soo talaabay meel aanay gaadiidku isticmaalin oo la yidhaahdo Qalaanqalay, waxaanu tilmaamay Guddoomiyuhu inay Ciidamada Somaliland arkayeen dadkaas oo ay baacsanayeen Ciidamo Jabuutiyaan ah, kuwaasoo sida uu sheegay ka hadhay markii ay u soo gudbeen xadka Somaliland.

Waxaana gacanta ku dhigay Ciidamada Somaliland afartaas qof iyo gaadhigoodiiba, isla markaana waxay ku xidhan yihiin magaalada Saylac.

Afarran qof ayaa u kala dhashay wadamada laba ka mid ahi waa Senegal, gabadh keliya oo la socotayna ay u dhalatay dalka Morocco, hal ninna uu u dhashay Poland, laakiin afartooduba ay haystaan dhalashada dalka Faransiiska, isla markaana ay ku soo galeen dalka Jabuuti.

Afartan qof ee ajinabiga ah ayay da’doodu u dhaxeysaa 20 ilaa 32 sanno, isla markaana dhamaantood ah dad muslim ah. Waxaana imika ku socota sida ay wararku sheegayaan baadhis xoogle oo ay ku wadaan ciidamada ammaanka ee Gobolka Salal.

SDN, Saylac