|

Madaxweyne Donald Trump oo Hay’adda Sirdoonka ee CIA Ka Dalbaday inay Joojiyaan Tababarada ay siiyaan Ururada Hubaysan ee Suuriya

New York 21. July 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska (Washintong Post) Ee Kasoo Baxa Dalka Maraykanka Ayaa Daabacay In Madaxweyne Trump Ku Amray Hay’adda Sirdoonka Dibada Ee CIA-Da In Ay Joojiyaan Taageerada Iyo Tababarada Ay U Fidiyaan Ururrada Hubaysan Ee Kasoo Horjeeda Xukuumada Bashaar Al Asad Ee Dalka Suuriya.

Wargeysku Waxaa Kale Oo Uu Sheegay In Taakulayntan Lasiiyo  Kooxaha Kasoo Horjeeda Xukuumada Suuriya Uu Bilaabay Maraykanku Sanadkii 2013,Kii, Iyada Oo Maamulkii Madaxweynihii Hore Ee Obama Arintaasi Ku Doonayay Sidii Xilka Looga Tuuri Lahaa Madaxweyne Bashaar Al Asad.

 

Dhinaca Kale Wargeysku Waxaa Uu Qoray In Go’aankan Uu Qaatay Mr Trump Uu Ka Danbeeyay Markii Uu Madaxweynaha Ruushka Mr Putin Uu Kulan Saacado Qaatay Kula Yeeshay Magaalada Hamburg, Ee Dalka Jarmalka Iyadoo Wakhtigaasi Uu Halkaa Ka Socda Shirkii Dawlada G20 Ee Dhinaca Wershadaha Hore Uga Maray.

Comments are closed