|

Muqdisho:Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Soo Saaray War Walaac Ku abuuray Xildhibaanada Dawlada Federaalka Qaarkood

Muqdisho 21. July 2017 (SDN/QJ):- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa shaaciyey iney muhiim tahay fulinta go’aankii ka soo baxay dib maxkamada sare ee sheegayey in dib loogu laabto doorashada 8 ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Baarlamanka Somalia.

Waxaa uu intaa ku daray in xildhibaanada 8-da ah looga bahan yahay inay tixgaliyaan go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka ayna ogolaadaan in doorashadooda dib loogu laabto, si meesha loogu saaro mad-madowga jira.

 

“Waa arrin fool-xun in laga talaabo amarka Maxkamadda sare ka soo baxay, lamana aqbali karo in la quursado maxaa yeelay waa mid dastuuri ah” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

 

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka codsaday Guddoonka Sare ee baarlamaanka inay mas’uuliyad ka saaran tahay la shaqeynta maxkamada sare iyo sidii meesha looga saari lahaa madmadowga ku jira kuraasta Sideeda xildhibaan.

 

Hadalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka carooday 8-da Xildhibaan ee lagu dhegan yahay, kuwaasoo weli ku fadhiya kuraasta muranku uu ka taagan yahay.

Comments are closed