Hargeysa June 12,2013(SDN)-Maadaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ahaa Guddoomiyihii Ururkii Xaqsoor ayaa maanta si adag uga hadlay Xayiraadii lagu soo rogay Jariirada Hubaal.
Md Xasan Ciise Jaamac ayaa qoraal uu maanta ka soo saaray Mgaalada Hargeysa waxa uu si adag ugu canbaareeyay habdhaqanka Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Qoraalka Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo nuqul ka mid ahi na soo gaaray ayaa sidan u dhignaa”Waxa imika isoo gaadhay warka sheegaya in wargeyskii Hubaal la xidhay oo amar lagu bixiyey inaan la daabicin lana iibin talaabada noocan ah iyo tii ka horaysay ee wargeyska iyo shaqaalihiisa hubka lagu weeraray waxa weeyaan talaabooyin distoorka, sharciga iyo dhaqankaba ka baxsan.
Talaabooyinkan marka lagu daro sidii foosha xumeyd ee loogu dhacay guriga Cismaan Awr liqe iyo sidii argagaxa lahayd ee loo weeraray meelo Burco ka mida iyo sidii taageerayaasha Xaqsoor een hubaysnayn rasaasta loola dhacay Hargeisa iyo zeilac doorashooyinkii ka dib, waxa soo baxaya sawir aan loo dulqaadan Karin.
Waxa muuqanaya in xukumada maanta ka jirta Somaliland ay u adeegsanayso ciidamadii loogu talagalay inay amaanka sugaan, qorshayaal lidi ku ah amniga, midnimada, xoriyada iyo dimuqaraadiyada qaaliga ah eey shicibka reer Somaliland u soo hureen naf iyo maalba.
Waxa muuqata oo lagama maarmaan ah in intii laxejeclo ka qabta walaalnimada reer Somalailnd iyo madaxbanaanideeda ay dhakhso uga wadatashadaan tacadiga iyo dulmigan badheedhka ah eey xukumada ku hayso qaybo badan oo ka mida lama huraanka reer Somaliland.
Wabilaahi Tawfiiq
Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor
Xasan Ciise Jaamac
