Istanbul June 12,2013(SDN)-Booliska malaagalada Istanbul ayaa weerar ku qaaday dibedbaxayaal dhawr iyo tobankii maalmood u danbeeyay beerta weyn ee Taksim.
Booliska ayaa ku guuleystay in ay beerta ka saaraan dibedbaxayaasha mudada 12ka casho ahaa joogay.
Habeenkii xalay ayaa la arkayay Booliska oo kolba gebi ahaan beerta ka saaraya dibedbaxayaasha kolna ay dib ugu soo noqonayaan.
Raiisul wasaaraha dalka Turkiga Rajip Deyip Erdogan ayaa hore u aqbalay in uu maanta la kulmo madaxda dibedbaxayaasha.
Mudeharaadeyaasha Turkiga ayaa dalbanaya in xukuumada Erdogan ay xilka iska casilaan.
Dawlada Turkiga ayaa dhankeeda sheegtay in dadkani sharciga aanu u fasaxeyn dibedbaxan sidaa awgeedna laga sifeyn doono wadooyinka magaalooyinka waaweyn.
SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com
