Uncategorized

Madaxweyne Shariif oo ilaa hada aan marna ka xaadirin goobaha Qaraxyadu ka dhacaan,maxey tahay sababtu?

Muqdisho April05,2012(SDN)-Madaxweynaha DF Soomaaliya Md Shariif Sheekh Axmed ayaan ilaa haatan marna ka qeybgelin munaasibadaha qaraxyada lala bertilmaansaday ilaa iyo haatan.

Dadka qaar ayaa isweydiinaya sida ay ku dhacday intaas oo qarax oo lala beegsaday masuuliyiinta dalka in madaxweynaha aan maraba munaasibadaha uu ka qeybgalo aan loo weerarin.

Dabcan in Madaxweyne Shariif Rafiiq la ahaa kooxda Shabaab ee degta u ridata masuuliyada qaraxyada lala beegsado madaxda iyo shacabkaba.

Qarax ismiidaamin ahaa oo dhawaan lala begsaday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa dhacay xili uu madaxweyne Shariif dalka ka maqnaa.

Isku soo xooriyoo isweydiimahan ayaan ka dhigneyn in la dooonayo in madaxweynaha dhib lala doonayo ee waa isweydiin uun in Shabaabku aaney bar tilmaansaneyn.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com