|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Muddo Sanad iyo Dheeraad ah Ka Dib Shacabka Salaaddii Jimcaha Kula Tukaday Masaajid Ka Baxsan Madaxtooyada SAWIRO

Hargeysa:28-Feb-2014(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Muddo Sanado ah Markii ugu Horraysay  shacabka kula Tukaday Masaajid ku  Yaalla meel ka Baxsan Aqalka Madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay Wehelinayeen Raxan Shaqaalaha Madaxtooyada ah iyo Saraakiil Ciidan ahi ayaa Maanta Salaadii Jimcaha Shacabka kula Tukaday Masaajika Cali-mataan ee Badhtamaha Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa Masaajidka soo Galay xilli la Gudagelayey Khudbaddii Sallaadda Jimcaha, waxana Shacabkii Halkaas ku tukanayey ku Warheleen Isbedel Masaajidka ka Dhex jira iyo Dhaqdhaqaaqyo Culimada Masaajidku uga Banaynayaan Goob ku Haboon oo uu ku tukado.

Madaxweyne Siilaanyo ayaan wax Hadal ah Halkaas ka Jeedin, waxana uu Markii dambe Lug Kooban ku Dhex Maray Waddooyinka  ku Dhaw Masaajidka, isagoo Intaas ka dibna dib ugu noqday Aqalkiisa Gaarka ah.

Intii uu xilka ku cusbaa Madaxweyne Siilaanyo waxa in badan lagu Dhex arki jirey meelaha Shacabku iskugu yimaaddo,balse markii dambe waaa uu ka Gaabsaday Socdaaladii Caynkaas ahaa, waxase maanta ay Noqonaysaa inuu markale dib u furo Boggiisii ahaa inuu Bulshada Socdaallo Kedis ah ku Dhex Tago.

 IMG_0696 IMG_0700 IMG_0704 IMG_0707 IMG_0710 IMG_0714 IMG_0715 IMG_0720 IMG_0725 IMG_0726 IMG_0741 IMG_0755 IMG_0756 IMG_0759 IMG_0767 IMG_0775 IMG_0776 IMG_0780 IMG_0783 IMG_0784

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed