|

Wasiir ka Murugooday Fal Ugub ah oo Magaalada Boorama ka Dhacay

Boorama 28.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay  magaalada Boorama ayaa ka waramay dhawr arrimood oo ay ku jirto xiisada ka oogan gudaha golaha degaanka ee degmada Boorama, iyo arin kale oo dad loo xidhxidhay oo ka dhacday degaano ka mid ah gobolka Awdal, kadib markii ay dad degaan ahi is hor taageen qodida xadhiga internetka ee SOMCABLE.

 

Wasiirka oo ugu horayn ka hadalay xiisada golaha degaanka Boorama waxa uu yidhi “Waxa aan aad uga xumahay isla markaana dadwaynaha reer Boorama ka raali galinayaa falalka u dambeeyay ee ka dhacay D/Hoose ee Boorama ee ay ka daawadeen telefishanada, falalkaasi oo ay ku kaceen inamadii la doortay ee ay dadwaynuhu u codeeyeen, waxa aan leeyahay waa fal nasiib daro ah, ma aha wixii la filayay, waa wax ka soo horjeeda waxqabadka iyo dimuquraadiyada, waxana aan leeyahay dib dambe u dhici mayso in hooyada cashuurta ku bixinaysa D/Hoose baabuur lagu hor gooyo oo la car qaladeeyo shaqada socota”

Wasiirka oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa hubaal ah in nidaamka dawladeed iyo awooda uu sharcigu na siiyay ay barbar socoto sharciyad kale oo xakamaynaysa xad-gudubka, taasi ayaana shaqaynaysa, xildhibaanka ku xadgudba sharcigana waa laga dhex qaban doonaa golaha iyo bulshadada, Awooda shicibka ayaa leh, waxa noo muhiimka ah inuu hagaagana waa codkii ay bixiyeen dadka shacabka ahi”

 

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in xukuumada dhexe aanay faragalin ku haynin golayaasha degaanka waxana uu yidhi “Ma jirto wax faragalin ah oo uu sharcigu noo baneeyay oo aan ku haynaa ama ku qasbaynaa golaha degaanka, balse waxa jirta wasaarad ay wada shaqayn leeyihiin oo ah wasaarada Arimaha Gudaha taasi oo ay degmada uga wakiil yihiin Xoghayaha D/Hoose iyo Badhaabka oo ah heer gobol una qaabilsan fulinta, waxana aan sheegayaa inaan marka aan noqdo arimahu sida ay yihiin uga waramo Wasiirkii dhigayga ahaa ee Wasaaradaasi, waxase kulamo aan la yeeshay maamulka gobolka, xildhibaanada iyo madaxda Hayadaha Amniga aan isla garanay in inta u dhaxaysa hada iyo marka aan fariinta gaarsiinayo Wasaarada Arimaha Gudaha aanan loo baahnayn in ay dhalinyarada xildhibaanada ahi qaaadaan talaabo kasta oo amniga wax u dhimaysa, sidaasna waan ku heshiinay”

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed