Washington 20.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Wanshington DC ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madax sar-sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka oo ay ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Maraykanka uu siiyo Soomaaliya ee dhinacyada difaaca, ammaanka iyo horumarinta.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada, madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya xubno ka tirsan xukuumadda federAalka ah ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo kusoo kala bixiyay dalal ku yaalla qaaradda Yurub, ka hor intii uusan u ambabixin Mareykanka.
Dhinaca kalena Donal Tinolban oo ah Xoghaye kuxigeenka wasaarada Arimaha dibada dawlada Mareykanka uqaabilsan bariga Africa ayaa si weyn utaageeray habka ay ushaqeyneyso Dawlada Federaalka ee Somaliya.
Mr Donal ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan lagu taageerayey natiijadii kasoo baxday Shirkii New Deal ee dhawaan ka dhacay Magaalada Brussles ee dalka Biljimka waxaana Mareykanka uu sheegay inay ku garab istaagayaan DF dhinac walbo ay ku caawin karaan waana mid muhiim ah.
Sido kale Donal Tinolban Xoghaye kuxigeenka wasaarada Arimaha dibada dawlada Mareykanka uqaabilsan bariga Africa Donal Tinolban ayaa sheegay inaysan iyagu qabin fikirka ah Shabaabka kaliya nabad gelyo xumada inay ka wadaan Somaliya laakiin uu sheegay inay dawlada ugu baaqayaan kasbashada Shacabka Somaliyeed si looga wada shaqeeyo Amniga iyo dib udhiska dalka.
Isago hadalkiisa sii wata ayaa Mr Tinolban ayaa sheegay inay hore utaageereen ciidamada Dawlada Somaliya hadana waxa uu sheegay inay sii wadayaan taageerada ay ufidinayaan sida uu yiri.
Isku soo wada duuboo mid ka mid ah dadka lagu casuumay kulanka oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacad ku taalla dalka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay inay AMISOM ka gudbeen howshoodii shaqo islamarkaana la safteen dagaalo ka dhacay Somaliya garabyo qaab beeleed udagaalamay si maldahana ugu eedeeyey arintaasi ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga.
Washington SDN,
Qurbejoog.com
