Uncategorized

Fool-xumadii wasiirka Duulista Somaliland ku sameeyey Garoonka Hargeysa Oo Faa’iidadeedii Haatan Ay Gaadhay Muqdisho

Muqdisho:20-Sep-2013 (SDN)- Maamulxumadii uu sameeyey wasiirka wasaaradda Duulista Somaliland, ayaa keenay in diyaaradda Ethiopia Airline Duulimaadyadeed ay u leexisay dhinaca Muqdisho.

dhika Sida uu shaaciyay Safiirka cusub ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Muqdisho, Ambassador Wondimu Asaminew shirkadda duulimaadka Ethiopian Airlines waxay dib ugu bilaabeysaa duulimaadyo garoonka Muqdisho, xili ay shirkadaasi gabi ahaanba joojisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Somaliland.

Ambassador Wondimu Asaminew wuxuu sheegay in Dowladda Ethiopia ay go´aansatay xiligan iney dib u bilowdo duulimaadyo rasmi ah oo shirkadooda ku iman doonto Muqdisho, si bulshada Soomaaliyeed iyo dadka kale loogu fududeeyo safarka mudada dheer qaadan jiray.

Wuxuu ka hadalyay Safiirka go´aanka ay shirkadda Ethiopian Airlines ay ku joojisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Hargeysa wuxuuna sheegay in taasi ay ku timid howlaha garoonka Hargeysa oo weli qabyo ah oo aan xamili karin diyaaradaha waaweyn iney soo caga dhigtaan.

Laakiin wuxuu tilmaamay in taasi badalkeeda ay u fududaatay iney duulimaad ka bilowdo garoonka weyn ee Muqdisho oo buuxiyay shuruudihii caalamiga ahaa ee caalamka ka jiray, sidaasi darteedna ay shirkadda ka howlgeli doonto.

Go’aanka Ethiopia ayaa waxaa dhabar jab ku yahay xukuumadda Somaliland, waxana masuuliyadeedda iska leh wasiirka Duulista oo isagu u muuqda nin iska leexsaday oo middi-roorteeyey Lacagtii faraha badnayd ee loogu talo galay dibu dhiska garoonka Hargeysa, waxana Madaxweyne Siilaanyo laga sugayaa inuu qaado tallaabo ka dhan  ah wasiirkiisa Duulsita.

Somalidiasoporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com