|

Magaalada Garowe oo lagaga dhawaaqay Liiska Murashixiinta Punt land AKHRISO MAGACYADA Iyo Saamiga Gobolada { DHAGAYSO}

Garowe 31.Dec 2013 (SDN)- Gudiga ansixinta & xalinta khilaafaadka Baarlamaanka ayaa  kaga dhawaaqay xarunta Golaha Wakiilada xubnihii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka cusub ee Puntland shanta sano ee soo socota (2014 ilaa 2018).

War qoraal ah oo ka soo baxay Gudiga ayaa lagu sheegay kadib markii Gudigu arkay qoraalka beeluhu ku soo xuleen xildhibaanada iyo kala saarid dacwadaha, hubinayna qoraalka asalka ah ee ay soo saxiixeen isimada iyo cuqaashu ugu danbantiina dhegaystay taladii Isimada & beelaha Puntland .

Gudiga ansixinta & khilaafaadku wuxuu soo ansixiyey liiskii Golaha Wakiilada cusub ee Puntland ayaa lagu yiri nuqulka rasmiga ah ee ka soo baxay Gudiga.

Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa tiradoodu tahay 66 xildhibaan kuwaas oo lagu qaybsado hab qabali ah ayna soo xushaan Duubabka dhaqanka beeluhu maadaama aysan weli Puntland u gudbin hanaanka asxaabta badan oo xaq u siin doona dadweynahu inay soo doortaan xubnaha Golaha sharci dejinta.

Kadib marka ay maraan dhaarta dastuuriga ah waxaa sugaya xubnaha cusub ee Golaha Wakiilada inay soo doortaan shir gudoonkoodii, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenkiis kuwaas oo dalka hogaamin doona shanta sano ee soo socota.magacyada1

 

 

 

 

 

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Gudida Khilaafka Punt Land
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Garoweliis.mp3″]

magacyada2
GAROWEONLINE5 GAROWEONLINE7 GAROWEONLINE6 GAROWEONLINE4

magacyada3magacyada4Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed