Garowe 08.March 2014 (SDN)- Waxaa maanta magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ka furmay shir diirradda lagu saarayo doorka shacabka Puntland kaga aadan barnaamijka New Deal ee Somalia.
Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Dalladda ururadda aan dowliga ahayn ee PUNSAA waxana kasoo qayb galay ururo ka socda Gobaladda Nugaal & Sool iyo saraakiil barnaamijka hiigsiga cusub ee Somalia ka socda.
Gudoomiyaha PUNSAA Nuur Shire Cismaan ayaa sheegay ahmiyadda shirka inuu yahay sidii loo heli lahaa aragtida ay shacabku ka qabaan barnaamijkan iyo waliba sidii loo oofin lahaa ka miro dhalintiisa.
Shire waxa uu sheegay Gobaladda Somalia inaysan isku duruuf ahayn sidaasi darteedna loo baahan yahay in gobal kasta iyo mamul kasta arimaha uu qabo lagu qabto dhaqaalaha dalka loogu talo galay.
Maxamed Xasan Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa sheegay dowladda Puntland inay cadahay aragtida ay barnaamijkaasi ka qabto balse loo baahan yahay in dadka Puntland la ogaado dareenkooda sida uu yahay.
Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa in shirka kan ee wada tashiga ah laga soo saaro go’aamo la isku raacsan yahay.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com
