|

Man City oo 1-0 Ugu Awood Sheegatey Man United

London April-30-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku jibaaxaynaa ciyaartii xiisaha badned ee dhexmartey Man City iyo Man United kana tirsaneyd horyaalka ka socda cariga Ingiriiska Premier Leage.

Ciyaartan oo la wada sugayey ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u farabadan iyo taageerayaasha waraabowga qaba ee labda dhinac waxa kale oo xusid mudan xiddigihii caanka ku ahaa kubadda cagta sida Maradoona oo uga soo boqooley Imaaraadka Carabta.

Kulankan oo aad uxiisa badnaa ayaa ciyaarta inta aan la bilaabin Man United waxay uruursatey 83-dhibcood Man City-na 80 dhibcood,haddaba iyada oo u dhimanyiihiin min laba ciyaarood,goolasha ay kala uruursadeena Man-City-60-gool halka ay Man-United-na haystaana -54-gool,shaki kuma jiro haddii horyaalku ku dhamaado isku dhibco iney qaadeyso Man City waxayna ku qaadeysaa goolal badni.

Haddii ay Man City ku guuleysato horyaalkan waa markii ugu horeysey,Man United-na 12-jeer ayey ku guuleysatey,ciyaartan oo u ekeyd final ayaa labadan naadi oo isku magaala ah ka dhaxeysaa xurguf iyo isnaceyb badan.

Akhyaartay ciyaartan oo ku bilaabantey weerar badan,xag farsamo isku dhiibid gaaban iyo mid dheerba ayaa qeybtii hore ee ciyaata dhamaadkeedii waxaa u suurta gashey Man City iney dhashadaan gool aad u qurux badan waxaana madaxa ku hubsadey shabaqa Kompany,90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talagaley Man City-1-Man United-0- waxanu argnaaba waa marka ciyaaraan min labada kulan ee u hadhsan haddi Eebbe yidhaahdo.

W/D-Jaahuur

qurbejoog.com

b

Comments are closed