Uncategorized

Mareykanka oo sheegay in Al Amriki weli denbiile yahay

Washington Sept 06,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhankeeda weli weli baadi goobeyso Abu Mansoor Al Amrici oo dhawaan shaaciyay in uu isaga baxay ururada Al Qacida iyo Shabaabka.

Mareykanka ayaa sheegay in Al Amriki oo magaciisa dhabta ahi yahay Xamaammi ay dul yaalaan edo maxkamdeed oo u bahan in uu iska difaaco klka gacanta lagu soo dhigo.

Amriki ayaa ka tegay dalka Mareykanka ka dibna ku biiray kooxda xiriirka dhaw lala leh Aqacida ee Shabaabka oo Mareykanka looga aqoonsan yahay in ay yihiin koox argegixiso ah.

Amriki ayaa Mareykanku ku eedeeyay in uu gacan weyn u fidiyay jihaadiyiinta Soomaaliya.khaasatan uu ka caawiyay dhinacyada tababarada ciidamada iyo warbaahinta.

Mareykanka ayaa sheegay in weli ay Amriki dul taalo madaxiisa lacag ay wasaarada arrimaha dibedda ku bixineyso soo qabashadiisa iyo wixii xog ah ee ku saabsan Amriki.

Ugu danbeyntiina waxa ay wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanku ay sheegatay in aaney ilaa haatan jirin wax xiriir ah oo uu Amriki la soo sameeyay dawlada Mareykanka.

 

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com