Uncategorized

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Oo Hambalyo Iyo Soo Dhawayn U Diraya Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Ee Maanta Ku Soo Biirey Xisbiga UCID‏

Hargeysa Sept 06.2013(SDN)-Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Md Axmed Keyse ayaa dhambaal Hambalyo iyo soo dhaweyn isugu jira u diray Tiro Xildhibaano gollaha degaanka Awdal iyo Selal ka soo gala jeeda.

Xoghayaha oo qoraalkan u marayay saxaafada ayaa sidan u qoraa:Waxaanu Hanbalyo kal iyo laab ah u Dirayaa Shirwaynaha lagu soo dhaweeyay Xildhibaanada Cusub Dhamaan Hogaanka XISBIGA UCID  Iyo Xubnaha Qaaliga Ah ee XISBIGA UCID. Shacabka Somaliland, Sida Sharafta iyo Karaamada leh Ee Ay U Doonayaan Horumarka Somliland.
Bulshada Somaliland Markay Arkeen Xeerka XISBIGA UCID Iyo Hogaanka XISBIGA UCID Waxay ku Cadeeyeen Rabitaankooda XISBIGA Caddaalada Iyo Daryeelka UCID  ku Soo Biirida Xildhibaanada  Golayaasha Deegaanka Ee Degmooyinka Boorama Lughaya, Saylac Iyo Baki Ee Gobolada Awdal iyo Salal Oo Katirsanaa  Qaar kamida Ururadii Hadhay Iyo Xisbul xaakimka Kulmiye Oo Ay Maanta Si Rasmiya U Cadeeyay Inay Ku Biireen Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland UCID Waxay farxad u tahay Dhamaan Bulshada Somaliland..
Marlabaad, “Waxaan Halkan Hanbalyo  Uga dirayaa Xildhibaanada  Golayaasha Deegaanka Ee Degmooyinka Boorama Lughaya, Saylac Iyo Baki Ee Gobolada Awdal iyo Salal  oo si rasmi ah ugu soo biiray XISBIGA UCID Si Ay Ugu Adeegaan Dadkood iyo Dalkoodaba Waxaana Leeyahay Hambalyo Hanbalyo”
Waxaan halkan Uga Mahadnaqayaa Xildhibaanada Ka Soo Shaqeeyey Iyo Intii Gacan Ka Gaysatey In Xildhibaanadani Ku soo Biiraan Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelka UCID.
XISBIGA UCID Waa Xisbi U Taagaan Horumarka ,Caddaalada Iyo Himilooyinka Reer Somaliland  Oo Ay Ku Midaysan yihiin Wadaniyiin Somaliland Ah Oo Ku Kala Nool Somaliland Gudaheeda Iyo Aduunka Daafihiisa.
ALAA MAHAD LEH
Axmed Ismail Aaden (Keyse)
Xoghayaha Guud Ee Xisbia UCID
UCID-Media Group
Stockholm