|

Marwada Madaxweyne Siilaanyo oo Sadex Xarumood oo Laascaanood ku Yaala Deeq gudoonsiisay DAAWO

Laascaanood 30.July 2015 (SDN/QJ)- Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Amina Sh Maxamed Jirde ayaa Deeq kala duwan gaadhsiisay labo xarumood oo lagu xanaaneeyo agoomaha Gobolka Sool, Cisbitaalka guud iyo Jeelka dhexe ee Magaalada laascaanood.

Marwada Koowaad oo qayb ka ah weftiga madaxweynaha ee Gobolada Bari, maantana ku sugan Gobolka Sanaag ayaa deeqdaasi gaadhsiinteeda u wakiilatay Ururka Haweenka ee NOW.

Comments are closed