|

Marxuum Maxamuud Cabdi Sh. Haaruun; masuul/khabiir qaalli ahaa oo ka baxay bahda Aviationka Somali oo dhan!!!

Dar guryii ka yimi baa war baas iila soo galaye
Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge
(Cali Jaamac Haabiil)

Geeridu waa xaqe, taariikhdu markay ahayd 16kii bishan February, waxa magaalada Muqdisho lagu dilay 4 qof oo isugu jiray Masuuliyiin iyo shaqaale ka hawl gali jirey Airportka Muqdisho ee Aden Abdulle Osman. Masuuliyiintaa la laayey ee ka tirsanaa bahda Aviationka Somaliya, ilaahay dhamaantoodba ha u naxariisto, janandiisa firdowsana ha geeyee, waxa ka mid ahaa Marxuum Maxamuud Cabdi Sh. Haaruun oo lagu naaneysi jirey “Xabashi”.  Marxuumkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, gaar ahaana degaanka caasimada Hargeisa, waxa uu muddo dheer oo ku siman 44 sanadood ka hawlgali jirey Madaarka Muqdisho, isaga oo ugu dambeyntii ahaa madaxa hagida diyaaradaha ee garoonka Muqdisho. Marxuumku waxa uu aqoon durugsan iyo waayo aragnimo weyn u lahaa hawlaha hagida diyaaradaha (Air Traffic Control Management), isaga oo ka mid ahaa shakhsiyaadka sida weyn uga shaqaynayey in maamulka hawada Somaliya ee ay hada shisheeyuhu gacanta ku hayaan, sidii gacanta Soomaalida loogu soo celin lahaa. Marxuumku waxa uu kow ka ahaa xubnaha la qorsheeyey inay maamulaan hawada Soomaaliya ka dib marka la soo wareejiyo. Wuxuu ahaa lafdhabarta aviationka Somaliya gaar ahaana qaybta hagida diyaaradaha, hubaalna way yar tahay -haddiiba ay jiraan- cid leh aqoontii iyo khibradii uu hawshaa u lahaa, taasina waxay khasaare weyn ku tahay guud ahaanba aviationka Soomaali oo dhan meel kasta ha joogaane.

Oday Abiib Mire oo ah Masuul aqoon balaadhan iyo waayo aragnimo durugsanba u leh aviationka, in badana ka soo shaqeeyey Wasaaradii Duulista iyo gaadiidka cirka ee Soomaaliya, isla markaana ahaa Director General of Somali Civil aviation, oo aan Marxuum Maxamuud ka waraystay wuxuu ii sheegay “inuu Marxuumku ka mid ahaa shaqaalahiisa kuwa ugu wanaagsan, shaqdiisana aqoon iyo waayo aragnimo weyn u lahaa, isla markaana ahaa nin shaqadiisa u daacad u ahaa” waxaanuu Marxuumka illaahay uga baryey inuu Janadii firdowsa geeyo.

Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xaaji oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo aqoon durugsan u lahaa Marxuumka ayaa sidan uga warbixiyey taariikh nololedkii Marxuumka “Marxuumka Sidan Qoyska uu Ka soo Jeedo aan Fac ilaa Fac ugu Abtirinaayo, Waa Facii Shanaad ee ku Dhashay Kuna Barbaaray, Culuum Al Quraan Waxa uu Diinta ku Bartay Xaruntii, Xaafadii iyo Masjidkii Hargeysa loogu hor Dhiso ee Jameeco-weyn. Gurigaa iyo Hoygaa Barashada Cilmigu Yaalay ayuu Marxuumku Ku Soo Koray. Sannadkii 1950 kii ayuu Ku Dhashay Magaalada Diridhabe. Halka 1955 kii uu Reerku u Soo guuray Hargeysa. Sannadkii 61 kii ayuu Chance u yeeshay in uu ka mid noqdo Class Kowaad ee lagu Furo Dugsiga Hoose ee Qudhac Dheer. 1967 kii waxa uu dhamaystay Dugsigii Dhexe ee Axmed Gurey. Isla Sannadkaa ayuu u Wareegay Dalka Ethiopia Magaalada Addis Ababa oo u ku soo Qaatay Waxbarashadii Dugsiga Sare. Horaantii 71 kii ayuu Dalka ku soo laabtay, Isla wakhtigaa oo uu Shaqo ka bilaabay Civil Aviation kii Somalia, Madaarkii Mogadisho. Waxa uu laba jeer oo kala Danbeeyey uu Waxbarasho Air Traffic Cotroller uu Banaanka ugu Baxay. Marxuumku Waxa uu 81 kii uu ka Qalin Jabiyey kuliyaddii Sidam Mogdisho. Marxuumka Waxa Astaan u ahayd Xalaal iyo Xoogii Maal, Ubadkiisa ku Korsan Jiray,  44 Sanno Wuxu ahaa Madaxdii Hagidda Madaarka Mogadishu”

Waxaan Illaahay ka baryayaa inuu Marxuumkaa iyo intii la dhimatayba u naxariisto, qoysaskii ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo, bahda Aviationka Soomaaliyeedna badal khayr qaba halkiisii ugu buuxiyo. Aaamiin.

 

Cabdikariim Cali Baarjeex

baarjeex@hotmail.com

Comments are closed