|

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Hadlay Muhiimadda Doorashooyinka Soo Socda Iyo Musharraxnimada Maxamed Biixi

Hargeysa:Feb,21,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa Ka Hadlay Muhiimadda Doorashooyinka Dalka kusoo socdaa leeyihiin iyo sida loogu baahan yahay in xilligoodii lagu qabtaa.

maxamed cabdilaahi cumarMaxamed Cabdilaahi oo shalay la Hadlay Tv-ga Horn Cable Tv, ayaa sheegay in Bulshada Caalamka iyo shacabka Dalka Gudihiisa ku dhaqaniba diyaar u yihiin Sidii doorashooyinka dalka kusoo socdaa xilligii loogu talo galay u dhici lahaayeen, waxana uu Hoosta ka xarriiqay sida Beesha caalamku u danaynayso inaan dib u dhac iman,

“Doorashoyinku waa arrimo aad u muhiim ah, Doodda Dadka Somaliland la shaqeeyaa waxa ay dulsaaran tahay Arrimaha Doorashoyinka, waxana la isweydiinayaa xilligii loogu talo galay maku dhacayaan, haddii ay dhici waayaana siday somaliland arrimahaas uga tashanaysaa. Gudaha dalkana dooddaasi waa ka socotaa, iyadoo somaliland lagu yaqaanno inay dorashooyin dimuqraaddi ahi ka dhacaan.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Isagoo Hadalkiisa sii wata Maxamed Cabdilaahi, waxa uu si gaar ah uga Hadlay Loollanka ka dhex aloosan Madaxda Kulmiye iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirrada, waxana uu si gaar ah uga Hadlay  Hanka Wasiirkii isaga Beddelay oo ah Maxamed Biixi, kaas oo shaaciyey inuu Hoggaanka Dalka hunguri ka hayo, waxana uu xusya inuu yahay shakhsi somaliland baahi badan u qabto marka marxaladdan  la eego, waxana uu yidhi,

“Maxamed Biixi Yoonis waxan u arkaa nin weyn oo waayo arag ah, muddo dheerna kasoo shaqeeyey beesha caalamka, waxana aan u arkaa nin waayo aragnimo ballaadhan u  leh  dhisidda qaran kasoo kabanaya  burbur sida somaliland ku dhacday oo kale, waxana aanu arkaa inay somaliland u baahan tahay kaalmo badan iyo maalgashi badan, iyadoo baahi loo qabo ciddii waxaas furfuri  lahayd, Maxamed Biixina waa nin wax weyn ku biirin kara halka ay somaliland marayso, waana nin Xilkaas kasoo bixi kara.”

Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxa sahayday Khilaafkii Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu xilligaas si rasmi ah  oo ka duwan dhammaan wasiirrada kale ula saftay Guddoomiye Muuse Biixi, waxana uu haatan shaqo ka hayaa Midowga Yurub.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed