Uncategorized

Afhayeenka Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Sharaxaad ka Bixiyay Qodobada lagaga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada (DHAGAYSO}

Muqdisho 19.Sep 2013 (SDN)- Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiwali,ayaa Warbaahinta Faahfaahin dheeri ah ka siiyay Shirkii ay Yeesheen Golaha Wasiirada Somalia oo uu Hogaaminayay Ra’isal Wasaare Saacid waxaanu xusay in goluhu ay shirkoodan kaga doodeen natiijada shirka Brussels ayna soo dhoweeyeen, kuna tilmaameen in balanqaadyada lacageed ee laga sameeyey shirkaasi ay qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha.

Sidoo kale, afhayeenku waxa uu sheegay in golaha Wasiiradu ay ka doodeen soo jeedin ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda kuna saabsan magacaabista Safiirada Imaaraadka Carabta iyo Dalka Ciraaq, waxaana labadan dal loo kala magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan oo loo magacaabay Imaaraadka Carabta iyo Maxamed Shariif Abuu, oo loo magacaabay Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiyi doono dalka Soomaaliya.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso hadalka Afhayeen Ridwaan
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/afhayeenRidwaan19.mp3″]

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com