Uncategorized

Mashruuc lacag lagu Amaahinayo 826 Qof oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 27.Jan 2014 (SDN)- Wasiiru dawlaha  wasaarada xanaanada xoolaha JSland Mud,Cabdiraxmaan  Jaamac Cabdalla, ayaa maanta ka furay huteel Maansoor  kulan howleed ku saabsan   Mashruuc  lagu kaalmaynayo danyarta  kala duwan ee Beeralayda, Xoola dhaqatada iyo kaluumaysiga, Mashruucaas oo dad dhan   sideed boqol iyo lix iyo labaatan Qof Lacag dayn ah lagu amaahinayo taas oo waafaqsan shareecada islaamka.

Mashruuxcan oo ay Somaliland ugu deeqeen ugu deeqeen Hay’adda  FAO iyo Hay’ada Qaxoontiga ee Maraykanka,kana soo qayb galeen Wasaaradaha waxsoorka ee dawladda iyo Kuwa wadaniga ah, wasiiru dawlaha xanaanada xoolaha oo  furitaankii mashruucaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in mashruucani uu yahay mid la doonayo in kor loogu soo qaado  danyarta kala duwan ee dalkeena ee dhinacyada beeraha, xolaha iyo kaluumaysiga, waxaanu Mudane C/raxmaan jaamac cabbdalla  intaa raaciyey in mashruucan qorshihiisu yahay inuu  socon doono laga bilaabo Bisha Febarweri 2014 ilaa dhamaad-ka Sanadka.

Wasiiru dawluhu waxa uu sheegay in Lacagta dadkaa la siinayo  ay tahay Dayn ay ku shaqaysanayaan ka dibna  ay dib isaga soo celinayaan markay ku faa’iidaystaan.waxaanuu  u soo jeediyey  ka qayb galayaasha  kulankani  inay duruusta ay qaadanayaan si wanaagsan uga faa’iidaystaan.

“ Waa Mashruuc Dadka Danyarta ah, Kaluumaysatada, Xoola dhaqatada, Beeralayda dhaqaalahooda lagu soo kicinayo. Waxaa la siinayaa, Lacag amaaha dad gaadhaya 826 Qof. Lacagtaas Bisha 2-aad ee sanadkan ilaa dhamaadka sanadkan 2014, way ku shaqaysanayaan ka dibna si tartiib-tartiib ah ayay iskaga soo celinayaan markay ka faa’iidaystaan.” Ayuu yidhi Wasiiru dawlaha Xanaanada Xoolaha.

Waxa kale oo iyana hadalo ku saabsan mashruucan iyo faa’iidooyinkiisa halkaa ka soo jeediyey,Agaasimaha Guud ee wasaarada xanaanada Xoolaha iyo Madaxa  Hay’adda FAO ee S/land Mud,Maxamuud Axmed cagaweyne iyo  Maxamed Jaamac iyo Madaxa  FAO ee Nayroobi, waxaanay dhamaantood sheegeen in mashruucani  yahay mid kor loogu soo qaadayo dadka danyarta ah oo la doonayo Inay Lacagtaa la dayminayo Macaashka iyo Faa’iidada   uga soo baxda ay ku shaqaystaan Lacagtii Daynta ahaydna iska soo celiyaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com